Shacabka Degmada Go-da Wayn Oo ka Hadlay Maamulka Gobalka Saaxil Oo Xanibay Diwan-Galintii ka Socotay Degmadaasi + Eedayna Usoo Jediyay Badhisabka Saaxil

0

Cuqaal iyo Waxgarad la soo Xidhidhay Shabakadda Caalamiga ah Arabsiyonews ayaa Baaq Dheer u Diray Xukumada Somaliland Gaar ahaana Wasaradda Arrimaha Gudaha Oo

Burco (AN) Dadwaynaha ku Nool Degmada Go-da Wayn Ee Xaruunta Gobalka Saaxil ayaa Cabasho Xoog leh ka Muujiyay Maamulka Gobalka Saaxil Oo ay Shegeen inay si Cad isu Hor-Tageen Diwan-Galintii Madaniga ahayd Ee ka Socotay Degmadaasi. Cuqaal iyo Waxgarad la soo Xidhidhay Shabakadda Caalamiga ah Arabsiyonews ayaa Baaq Dheer u Diray Xukumada Somaliland Gaar ahaana Wasaradda Arrimaha Gudaha Oo ay ka Dalbadeen inay Soo Faro-Galiso Cadiid Ba-an Oo ay Tilmameen inay Maamulka Gobalka Saaxil ku Hayaan Degmada Go-da Wayn,
Caaqil Haybe Maxamed ismaaciil Oo ugu horaynba ka Hadlaya Arrimahaasi ayaa Waxa ka Mid ahaa hadalidisii Sida Tan

“ Anigoo ah Caaqil Haybe Maxamed ismaaciil Waxaan Hada ku Suganahay Degmada Go-da Wayn Waxaan Jecelahay inaan ka Hadlo Diwaan galintii Madaniga
ahayd Oo Gabi-ahaanba ka istagtay Degmada Go-da Wayn,Hadii Aan inyar ka idhaahdo Sababta ay Diiwan Galintu uga istagtay Degmada Go-da Wayn,Waxa Dhacday in Markii horre Mashiin la Socday Diwaan-Galinta Uu Xumaday Markii Lagu Shaqayay Mudo Kooban Oo Maalmo ah ka Dib Dadkii Degaanka Go-da Wayn ayaa Tashaday Waxaanay Go-aan ku Gadheen inay Diiwan-galinta u shidaan Mashiin ay Leyihiin Dadka Degaanku,ka Dib Markii ayaa isaguna Xumaday,Waxa Badhisabka Gobalka Saaxil Fahmi Bidaar u Tagay Gudomiyaha Degmada Go-da Wayn,Cuqaal iyo Waxgarad la Socda Waxaanay u Shegeen Sida ay Wax u Dhaceen,Badhisabka Saaxil Waxa Uu Hadal Cad Yidhi anagu Ma Gaynayno Degmada Go-da Wayn Mashiin Ee ordoo Diiwan-Galinta iska Soo Xidha,Mashiinka idinka Xumaday anagu Mashiin Cusub idin Siin Maynee,Waxaanu u aragnaa inuu Badhisabka Saaxil Doonayo inaan Shacabka Degmada Go-da Wayne Aanay isdiiwan-galinin Sababtuna Way Cadahay,Waxaan ugu baqaynaa Xukumada Somaliland Gaar ahaana Wasaradda Arrimaha Gudaha inay Talaabo Cad ka Qaado Badhisabka Saaxil Oo Curyaaminaya Shaqadii Wasarada Arrimaha Gudaha,Anagu Diyaar ayaanu u Nahay in Aanu isdiwan-galino Lakiin Maamulkii Gobalka Saaxil ayaa Hor Taagan,Dadwaynaha Reer Go-da Wayn Waxay Donayaan inay isdiwan-galiyaan ilaa Hadana ma Hayaan Meel ay iska Diwaan-Galiyaan” ayuu Yidhi Caaqil Haybe Maxamed

Cabdifataax Muuse Cilmi Oo isaguna ka Mid ah Dadwaynaha Degan Gudaha Degmada Go-da Wayn ayaa Dhankisa Tilmaamay inay Maamulka Gobalka Saaxil ay Dhagaha ka Furaysteen Cabashada ka soo Yeedhaysa Dadwaynaha Degaankaasi,

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan “ Waxaanu Marar Kale Duwan Safar ku Tagnay Xafiiska Badhisabka Berbera Waxaanu u Shegnay Dhibatada Haysata Diwan-Galintii ka Socotay Degmada go-da Wayn Waxaanu Badhisabku Markastaba Uu Nagu Lahaa Waanu Dhamaynaynaa Lakiin Markii Ugu Danbaysa Waxa Uu Nagu Yidhi Afcad Anagu Mashiin Gaynmayno Go-da Wayn Diwaan-Galintiinana Anagu Dan Kama Lihin,Markaas Waxaanu u aragnaa anagu inuu Badhisabka Saaxil Fahmi Bidaar Uu Colaad Gaar ah u Qabo Shacabka Degmada Go-da Wayn,Waxaan ugu Baqayaa Xukumada inay Talaabo Degdeg ah ka Qaado arinkan Qalabka ka Dhimana ay usoo Dhamayso Degmada Go-da Wayn” ayuu Yidhi Cabdifataax

Ugu Danbayntii Dhawaqani ka soo Yeedhaya Cuqaasha iyo Waxgaradka Degmada Go-da Wayn ayaa ku Soo Beegmaysa Wakhti ay Eedaymo Baladhan Loo Soo Jeedinayo Badhisabka Gobalka Saaxil.

Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland