halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan
Adis Ababa (AN) – Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaaladda Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Waftigan oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport ayaa si diiran waxa halkaasi ugu soo dhaweeyay xubno uu ugu horeeyo R.Komishiner ahna kusii simaha komishinerka mudane Maxamed Maxamuud(Qayo), wasiir kuxigeenka wasaarada cadaalada DDSI mudane Axmed Irshaad, Latatliyayaha M/waynaha ee Horumaraka mudane Ilyaas Cumar Ibraahim, iyo xubno kale.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Adis ababa waxaanu sidoo kale u mahad celiyay jaaliyadda dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee dalalka Maraykan iyo Canada oo uu booqashada ku soo maray.
Waxa uu kula dardaarmay in ay ilaaliyaan midnimadooda, kana shaqeeyaan sidii ay dalkooda u soo maal gashan lahaayeen.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland








