Baarlamaanka Jarmalka Oo Cod Buuxa Ku Ansixiyay Howlgalkooda Milateri Ee Soomaaliya.

0

Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabo horay uu u qaaday ururka Midowga Yurub oo ku aaddanayd in waqti dheeraad ah lagu daro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Waxay Cod buuxa ku ansixiyeen Baarlamaanka Jarmalka ballaarinta howlgalka milateri ee dalkaas uu ka wado Soomaaliya, wuxuuna Baarlamaanka dalkaasi meel mariyay in la sii wado lana ballaariyo Howlgalkaasi.

jar.jpg

Xildhibaano tiradooda gaarayso ilaa 454 oo ka tirsan 578 xildhibaan oo uu ka kooban yahay Baarlamaanka dalkaasi ayaa oggolaaday in howlgalka la sii wado, iyadoo 115 ka tirsan xubnahaas ay diideen codaynta, halka sagaal kalena ay ka amuuseen.
Go’aanka ayaa qayb ka ah tallaabo horay uu u qaaday ururka Midowga Yurub oo ku aaddanayd in waqti dheeraad ah lagu daro howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya si ay ciidamada Soomaaliya tababatro milateri u siiyaan.

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaad 20 sarkaal u soo
dirtay Soomaaliya, kuwaasi oo loogu talagalay inay tababarro siiyaan milateriga Soomaaliya ayna la taliyaan wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, waxayna saraakiishaasi ka qayb qaataan howlgalka Soomaaliya.

Ciidamada Milateriga Jarmalka ayaa Soomaaliya ka howlgalayay tan iyo sanadkii 2010-kii inkastoo ay jiraan in tiro ciidamada militeriga Jarmalka ka tirsan loo daad gureeyay Soomaaliya, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in joogitaanka ciidamada Jarmalka ee Soomaaliya ay qayb ka tahay xoojinta istaraatiijiyada dhaqaalaha iyo danaha militeri ee Jarmalka.

Dhanka kale Dowladda Jarmalka ayaa waxay ciidamo badan ka joogaan dalalka Soomaaliya, Senegal, Maali, Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, Suudaan iyo Koonfur-Suudaan.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland