Ciidamada Booliska Degmada Allaybaday oo gacanta ku soo dhigay 180 littir oo khamri

0

Alaybaday(AN) Ciidamada Booliska Degmada Alaybaday ee Gobolka Gabiley ayaa gacanta ku dhigay 180 littir oo khamriya Ciidamadaas oo uu hogaaminayey Taliyaha Ciidanka Booliska Allaybaday Kabtan Axmed Haaruun ,khamrigan  ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa waxa uu saarnaa  gaadhi noociisa looyaqaan Crown kaas oo ay saarnayeen laba nin,

sida uu shabakada wararka Arabsiyonews.com uxaqiijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in khamrigan uu ahaa 180 littir  kaas oo hawlgal ay sameeyen ciidamada booliska Allaybaday ay gacanta ku soo dhigeeen khamrigii ,gaadhigii iyo labadii danbiile  waxaanu xusay sarkaalkani  in  ay usoo gudbiyeen xarunta gobolka Gabiley taas oo  uu xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo soo hortaagi doono sharciga eedaysanayaashan khamrigana  laburburin doono

Taliyaha Degmada Allaybaday Axmed Haruun Xasan  ayaa dhawaan loo magacaabay xilka Taliyaha ciidanka Booliska Degmadaas oo ku taal xuduudka S/land iyo Itoobiya ayaa waxa uu ka sameeyey hawl galo aad ubalaadhan kuwaas ayaa qayb ka noqonaya talaabadan ciidanka Alaybaday ku soo qabteen khamriga baaxadaas leh

waxaana la filayaa in maalinta bari ah la horkeeno Maxkamada khamrigaa iyo eedaysanayaasha ay ku soo qabteen ciidanku

 

Arabsiyonews.com

Muuse Xuseen Xasan

Arabsiyo Office