“Waanu Sii Wadaynaa Wadahadalada, Somaliland Ka Aqbali Mayno Cid Kale Hana Dhexdhexaadiso, Somaaliyana Waa Mid Kaliya”… Wasiirka Daakhaliga

0

Hargeisa-(AN)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay wadahadalada la sii wado Somaliland, waxaanu sheegay in aan loo baahnayn cid dhexdhexaadisa wadahadalada Somalia, iyo Somaliland, sidaana waxa daboolka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cadiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa),
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cadiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uu arrimahan kaga hadlay su’aalo lagu waydiiyay Barnaamijka kulanka Todobaadka, ee ka baxa warbaahinta ay dawlada Soomaliya maamusho, waxaanu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlaya,

Wasiirka-arrimaha-gudaha

 

 

”Mar kasta wadahadlku waa jidka keliya ee u furan ummada Soomaaliyeed, waxa jirta hal Soomaali oo kaliya, laakiin
kala aragti duwan, waxaan aaminsanahay in aanu wadahadli karno Somaliland,”

Wasiirku waxa uu sheegay in aan loo baahnayn cid dhexdhexaadisa wadahadalada Soomalia iyo Somaliland, waxaanu yidhi

”In Aanu wadahadalno ayaanu diyaar u nahaye, maxaa dadka kale iyo cid na dhexdhexaadisa looga baahan yahay, su’aashaasi jawaab ayay u baahan tahay, maxaa yeelay wadahadalka marka aad diido ayaa loo baahan yahay cid kale oo gogosha la soo geliyo, markaa aan wada hadalno waa aan heshiino, markaa waa la xalin karaa waxa inagga dhaxeeya (Somalia, iyo Somaliland), cid kale ha inna dhexdhexaadisana wax laga aqbalayo maaha.”

Hadalkan Wasiirka, ayaa daba socda wadahadaladii dhawaan burburay ee magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga ku dhex marayay Somaliland iyo Somalia, taas oo ay Somaliland ka baxday wadahadalada kunna sababaysay in xubnaha weftiga Somalia, u matalayay wadahadalada in laga saaro xubno dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo xilal ka haya Somalia.

Burburka wadahadaladan kaddib, xukuumada Somaliland, ayaa ugu baaqday wadamada beesha caalamka iyo dalalka jaarka in ay soo kala gaadhaan Somalia iyo Somaliland, loona baahan yahay in la dhexdhexaadiyo.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland