Xisbiga Kulmiye Oo Dib U dhaca Doorashada Ku Eedeeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

0

Hargeisa(AN)- Xisbiga talada dalka haya ee kulmiye ayaa ka hadlay cid eeda yeelanaysa haddii doorashada Somaliland ka dabi dhacdo 26jun.Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa sheegay in eedda dib u dhaca doorashada Somaliland uu leeyahay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland,

Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay  in dib u dhaca doorashada leeyihiin gudoomiyaha xisbiga waddani ahna gudoomiyaha wakiilada “Hal qodob somaliland markhaati ha ka ahaato,Saddex jeer oo la kordhiyay iyo mar xisbiga kulmiye la reebay ee lagu yidhi 82ka cod ayaad ku hadhay, rag ragii dhuuxa ku xidhay ee yidhi mahadli kartaan oo qaranka somaliland Ayaa ka wayn waxa ay ahayeen labada guddoomiye ee hada mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe,Mucaarid ayaanu wada ahayn markasta oo ay dhirbaaxo nagu dhacdo oo aanu hadla is nidhaa labadooduba Garba Duub ayay noo xidhayeen” ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee kulmiye-Tooshnews.net

Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu intaasi raaciyay “Waa dhab qaranka ayaa la isku qabtaa qoyska ayaa la isku qabtaa,laakiin waa inaad yeelataa cid ku qabata,markaad cadhaysan tahay ee wax lagaa dhaco waa inaad Qabsoontaa,Laakiin, nasiib wanaag nimankii geedka nagu xidhay ee qaranka ayaa waxan ka wayn ee geedka nagu xidhay,Su’aal Ayaan waydiinayaa Labada Guddoomiye,Waar wixii aad shalay lahaydeen ee waad dul qaadanaysaan,qaranimadii Maanta Miyaad ilawdeen”.Gudoomiyaha kulmiye

Muuse Biix Cabdi waxa uu sheegay in gudoomiyaha golaha wakiiladu dib u dhaca doroashada leeyahay “Maanta waxaanu leenahay haday wax khaldamaan oo ay hawli Timaado khaladka Cida Leh waa Laga naqsan Doonaa,Doorashadan Daahdayna Ma kulmiye ayaa reebay oo dib u dhigay iyo Dawladiisa? Mise wadani iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada? Bal kaayaga Eedu Raacdo Fagaare ayaa la iman Oo somaliland ayaa ka Arimine, Taasi ha dambeysee waxan ay Hada ku hadlayaan Nimankani Maanay Ahayn Cabdiraxmaan Iyo Faysal Cali waraabe waxaan leeyahay halkii taagnaada oo waji kale hayeelanin”.Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ayaa dib u dhaca doorashada ku eedeeyay xukuumada  iyo xisbigeeda kulmiye wallow xukuumadda iyo kulmiyena ku riixayaan golaha wakiilada oo uu gudoomiye u yahay gudoomiyaha WADDANI.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk