Hargeisa-(AN)- ”Bina’aadamka iyo magac bixintiisa qaar bay isaga iyo magaciisu is yeeshaan, dadka qaarna qofka iyo magaciisu way kala duwanaadaan, tusaale ahaan, waxa aad arkaysaa Gabadh Nuura, loo bixinay, oo aan wejiga iyo qalbigaba ka nuurayn. Sidoo kale waxaad arkaysaa nin Nuur, loo bixiyay oo midabkiisu madow yahay.
Waxaan xusuustaa maalin maalmaha ka mid ah anniga oo gurigiisa la jooga nin aanu saaxiib nahay oo ah La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhallinyarada Somaliland, Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa waxaan ku idhi Marwo Wasiir Samsam, magaceeda way ku sifowday, oo qof kasta oo Xajka tagaa haddiyada ugu qaalisan ee uu soo qaadaa waa biyaha ZAMZAM-ka, ah,
markaa qofkaa dadka oo dhan ayaa ku soo xooma oo ku yidhaahda ma sidaa biyihii, sidaa si la mid ah ayaa dadku Marwo Samsam, ugu soo Urruraan, isla markaana uga fishaan filasho wanaagsan. Hadaba waxaan is weydiiyay tolow geeduhu noocyo badane oo qaar sun ah oo lagu go’o ayaa ku jira, sidoo kale qaar la manaafaadsado oo dawo ah ayaa ku jiree, waa Geed noocee ah, Intaa kaddib, waxa si degdeg ah oo xikmadaysan iigu jawaabay Saaxiibkay, oo yidhi Ninkaa (Wasiir Geedoole), aqoon baan u leeyahayoo waa nin Gob ah.
Hadaba, Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland, waxaan leeyahay Isha Allahu in aad ku sifowdo Geedkaa Gobka ah ee Saaxiibkay kugu asteeyay” Sidaa waxa yidhi Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Ee Somaliland, Cabdilaahi Ibraahin Xaaji Xasan, oo si toos ah u xidhiidhinayay madashii xil-wareejinta Wasaaradda oo ka dhacday xarunta Wasaaradaas, waxaanu intaa kaddib, uu hadalkii ku soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaaradaasi, Faarax Cilmi Geedoole, waxaana hadaladii uu Wasiirku madashaa ka jeediyay ka mid ahaa,
”Anigu waxa aan ahay masuul shaqaalihiisa ku dhex jira oo illaa Waashmaanka garabka qabsada oo aan iska weynaysiin, Geedkaa gobka ah ee uu Saaxiibkay sida fiican uga sheekeeyayna, Isha Allaahu, mid ku sifooba ayaan noqon doonaa” ayuu yidhi Wasiir Geedoole,
Masuuliyiintii iyo marti-sharaftii kal duwanayd ee madasha xil-wareejinta ku sugnnaa ayaa si xiiso badan iyo sacab kaga jawaabay hadaladan ay Af-hayeenka Wasaaradaasi Iyo Wasiirka cusubi ay is dhaafsadeen.
Sidoo kale, waxa xusid iyo xiiso gaar ah mudnayd Maanso si weyn loogu sacabo tumay oo halku dhigeedu ahaa ”BILLAD GEESI”, oo uu si gaar ah Af-hayeenka Wasaaraddaasi ugu sagooyiyay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi Marwo Samsam Cabdi Aadan, isaga oo tusaale u soo qaatay astaamo sharafeed uu ku majeertay Waxqabadkii Wasiir Samsam, oo hada ah Wasiirka Maaliyadda Somaliand.
Arabsiyonews.com Office Gabiley









