Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Oo Uu Ka Mid Yahay Wasiir Xirsi Oo La Filayo In Ay Todobaadkan Safar Ugu Bixi Doonaan Dalka Kuwait

0

Hargeisa-(AN)- Madaxweynaha Somaliland. Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wefti uu hogaaminayo ayaa la filayaa in todobaadkan aynu ku jirno ay u anbabixi doonnaan dalka Kuwait.
Illo wareedyo xog-ogaal, ah oo ka ag dhow Madaxtooyada Somaliland, ayaa Shabakada wararka ee caalamiga ah ee Arabsiyonews, u xaqiijiyay in weftiga Madaxweynaha ee safarka ugu baxaya dalka Kuwait, ay ka mid noqon doonaan wasiiro ka tirsan xukuumadda, oo uu hormood u yahay Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Illo-wareedyadani may tibaaxin in safarka weftiha Madaxweynaha ay ka danbaysay martiwaad rasmi ah oo ay ka heleen masuuliyiinta dalka Kuwait, iyo in kale, iyo weliba mudadda uu qaadan
doono safarkani, iyo in weftigu sii marayo wadamo kale iyo in kale, ma jiraan wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan safarkan oo weli ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland,

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa hore safar ugu tagay dalka Kuwait, iyada oo dawlada Kuwait, ay Somaliland, ugu deeqaday kana fulisay mashaariic kala duwan, isla markaana ay jiraan kuwo kale oo aan weli la hirgelin.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland