Hargeysa (AN)-Fikirkaaga ka dhiibo Dooddan Furan- DOOD FURAN – Ma Dublaamaasiyad Mise Dagaal- Waa Maxay Sababaha Ay Xukuumadda Somaliland, Ugu Kaliyaysatay, Dib U Soo Noolaynta Wadahadalada Somalia?.
Fadlan ka hor inta aanad fikirkaaga ka dhiiban Dooddan Furan, Akhri, qarkan qoraalka ah ee hoos ku qoran oo ah hadaladii u danbeeyay ee qadiyaddan ku saabsan ee uu Warbaahinta siiyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay beesha caalamka u sharaxeen, qaabka ay u burbureen wada hadaladii shirkii Somaliland iyo Somalia, ee dalka Turkigu iyo waliba cidda leh masuuliyadda Burburka oo uu Somalia u
xambaariyay.
Wasiirku waxa uu sheegay inay safaaraddo badan iyo wakiilada wadamo badan kula kulmeen Kenya, una sheegeen inay Somalia leedahay Masuuliyadda burburka wada hadalkii labada dhinac “Safaaraddaha faraha badan ee aanu aragnay waxaanu kala hadalnay siday wax u dhaceen, waxaanu u sheegnay sababta aanu u diidnay inaanu shirka ka qayb galo, si aan war khaldan loo siin ayaanu warka saxda ah u siinay” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in Somaliland ahaan ay dalbanayaan in Wadamada Caalamka iyo kuwa dariska ahba arrintan soo dhex galaan oo la dhexdhexaadiyo “Waxaanu caalamka ka codsanay in la iskugu kaayo yimaado, in nala dhex galo oo dhexdhexaadini dhacdo, oo aanu u kala ambabaxno si wanaagsan oo walaaltinimo ah. Markaas anagu waxaanu jecel nahay in waddamadii badnaa ee hore wada hadalka uga soo qayb qaatay iyo kuwa geeska Africa soo dhex galaan arrintan, waxaanan aaminsan nahay in haddaan nala dhex galin arrimo ka xumi dhici doonaan, kolkaas waxaanu dalbanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan Caalamku ugu arko inay muhiim tahay inaanu kala ambabaxno” ayuu yidhi Wasiirku
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in Wadamada Caalamku uga garaabeen asbaabaha Somaliland ku diiday kulankii u dambeeyay ee wada hadalada “Aad iyo aad bay noogu garaabeen. Waxaanu u sheegnay inaanu hore uga afeef dhiganay inaanay Somalia ku soo darin dad Somaliland ka soo jeeda shirarka labada dhinac ka socda, sidaas awgeedna aanu u diidnay, markaas dadkii Safaaraddihii badnaa ee aanu la kulanay waanu ku qancinay in waxaas aanu ku kacnay wax sax ah ahayd, waanay noo garaabeen”
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu kulan la yeeshay Masuuliyiin Ethiopian ah, una sharaxeen arrintan, isagoo sheegay in Somaliland diyaar u tahay in wadamada dariska ahi xogogaal u noqdaan wada hadal kasta oo dhexmaraya Somalia iyo Somaliland, maadaama Cilaaqaad wanaagsani ka dhexeeyo.
FIIRO GAAR AH- Fadlan si aanu u soo daabacno Fikirkaaga aad ka qabto Dooddan Furan, ku soo dir ciwaanka Emailka Arabsiyonews@gmail.com.com









