Somaliya oo sheegtay in ay diyaar utahay wadahadal bilaa shuruud ah in ay lagasho S/land

0

Muqdisho (AN)-Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah la gasho dawlada Somaliland ,iyadoo sheegtay inay markasta Dawlada Somaliya qadarinayso midnimo qaran oo dhalatay.
Wasiirka warfaafinta Dawlada Somaliya Mr Maareeye ayaa sheegay in dawlada Somaliya diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu soo celinayo xidhiidh midnimo oo dhex maray dawlada Somalilad,wallow wada hadalkii ugu dambeeyay ay dawlada Somaliland mowqif adeg iska taagtay kadib markii laga baxay shuruudihii lagu xidhay dawlada Somaliya inay buuxiso.”Dowladda Federaalka iyada oo mar walba u taagan midnimada Soomaaliya, waxay caddeyneysaa in ay diyaar u tahay wada hadal shuruud la’aan ah oo dan u ah Midnimada iyo horumarinta shacabka Soomaaliyeed oo fool-ka-fool la isku soo hor fadhiisto” ayuu yidhi wasiirka warfaafinta dawlada Somaliya Mr Maareeye.

Labada mowqif ee ay kala haystaan dawlada Somaliya iyo dawlada Somaliland ayaa noqonaya mid aan la isla qaadan karin,iyadoo Somaliland doonaysa inay noqoto dal Somaliya inteeda kale ka madax banaan halka dawlada Somaliya doonayso inay dib u soo celiyaan midnimadii lixdankii.

 

Arabsiyonews.com

Muqdisho Desk