USA(AN) Xoghayihii hore ee Arrimaha debedda Xisbiga UCID Mudane Yusuf Budle ayaa diiday inuu Qabto Wasiirka Waxbarashadda kadib markii loo bandhigay xilkaasi
Warsaxaafadeed: BEENIN WARAR LA IGA QORAY, SHEEGAYAYNA IN AAN OGOLAADAY IN AAN XIL KA QABTO XUKUUMADDA S/LAND.
Aniga oo ah Yusuf Budle, waxa aan jeclahay in aan halkan uga cadeeyo dhamaanba asxaabtayda qaaliga ah, taageerayaashayda gaarka ah iyo taageerayaashayda siyaasadeedba in warkii lagu soo qoray qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan ee S/land, sheegaysayna in aan ogolaaday ama qaatay in la ii magacaabo jagada Wassiirka Waxbarashada Somaliland ay tahay mid aan waxba ka jirin, sal iyo raadtoona aan lahayn.
Run ahaanitii, waxa aan u arkaa wararkaas in ay yihiin shaadh-ka -gubid iyo dacaayad loogu talo galay in lagu dhantaalo sumcadayda shaqsi ahaaneed iyo tan xisbiga aan gudoomiyaha ka ahay ee NURP. Haa, way jirtaa in uu jiro codsi si gaar ah la iiga codsaday in aan kusoo biiro xukuumadda haatan jirta, waanan uga mahadnaqayaa in ay isiiyaan kalsoonidaas, laakiin sidaan iyagana u sheegay, asxaabtayda dhaw-dhaw iyo qoyskaygaba u sheegay, hadana aan dhamaantiin idiin sheegayo, marnaba suurto gal iima aha in aan ku biiro xukuumaddii aan shalay dhaliilayay, welina aan u hayo dhaliisha weyn. Waxa muhiim ah in ay shicib-weynaha S/land ogaadaan in qof kasta oo qaladaadka jira sheegaa aanu ahayn kursi doon iyo aniga i aamusiiya. Anigu, shaqsi ahaan, sidaan horena u sheegay, maantana ku celinayo, ma ahi nin u buka xil iyo derajo la siiyo, ma ahi nin dhaqaale doon ah ama shaqo ka raba Somaliland. Waxa keliya oo aan usoo galay saaxadda siyaasadda in aan ka caawiyo dadkayga iyo dalkaygaba wixii awoodayda ah, aniga oo aan kaga rabin magac iyo manfactoona.
Haa, xidhiidh fiican ayaan la lee’ahay qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa ee xukuumadda hadda Somaliland ka talisa, xidhiidh iyo saaxiibtinimo dhaw ayaan la lee’ahay qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa xisbiyada dalka, mucaarid iyo muxaafidba. Laakiin waxaan aaminsanahay, aan iyagana mar walba usheegaa in aanay wax macno ah samaynayn in mid laga baxo, mid kalena lagu biiro: Hadana berri kii shalay lagu biiray laga baxo. Dhaqanka qaldan ee siyaasadda saboolka ah ee S/land ayaa run ahaantii ina baday in saddex guri oo wada darooshimaynaya, kolba mid roob mahiigaan ah laga galo; LAAKIIN waxaynu wada ognahay ama wada dareensanahay in qarankeenu u baahan yahay wax intaas ka weyn.
Waxa aan aaminsanahay in aanay mucaaridnimadu noqon mid lafo jabis ah, dalka iyo dadkana gaadhsiisa dhaawac uu cadawgu ka faa’iidaysto. Waa in mucaaridnimadu noqoto in wixii qaldana lagu sheego, laguna saxo, wixii guul iyo horumar ah ee ay xukuumadda ama xisbiyada qaranku soo hooyaana lagu hambalyeeyo. Sida aan hore u sheegay, Waxa aan taageersanahay, aad iyo aadna ugu hambalyaynayaa guushii goolkii ay xukuumadda S/land kasoo dhalisay shirkii madhalayska ahaa ee Turkiga. Taas macnaheedu ma aha in aan xukuumadda u dhawaaday, mana aha in aan taageersanahay siday wax u wadeen, laakiin waxa ay tahay in aan aad iyo aad ugu faraxsanahay sida xaragada leh ee ay usoo af jareen, go’a shaalka ahna goobta uga qaateen. Marka waxa haboon in aan la is been fariimin ama aan la is tuhmin, noloshana lagu salayn fikirka uu maalintaas qofku sheegay.
Ugu dambayn, waxa aan usheegayaa dhamaanba asxaabtayda, taageerayaashayda iyo madaxda iyo xubnaha xisbigayagaba in aanay marnaba suurto gal ahayn in aan mabda’aygii siyaasadeed iyo hamigayga meelsare wax uga doonidda qarankayga aan jecelahay ee S/land aanan marnaba ku doorsanayn kursi yar oo aan macno samaynayn iyo derajo kuwii geyayayba laga gaajaysiiyey. Waxa aynu u xadhko xidhanay waa isbedel dhab ah iyo siddii dalkeena aan uga saari lahayn siyaasaddan qaabka daran ee ku salaysan “Nin-nin ku xumee, hebel-hebel ku bedel, reer hebel-reer hebel ku xumee, iwm”.
Waxaan dhamaanteen iyo qarankeena quruxda badan ee isku tashadayba u rajaynayaa “Guul iyo Gobonimo” waarta.
Yusuf Budle, NURP-Chairman








