Loolanka Iyo Tartanka Loogu Jiro Jagada Uu Baneeyay Wasiir Samaale Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Masuulka Loobadinayo Inuu Madaxweynuhu Magacaabo

0

thumb

Loolanka Iyo Tartanka Loogu Jiro Jagada Uu Baneeyay Wasiir Samaale Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Masuulka Loobadinayo Inuu Madaxweynuhu Magacaabo Isku shaandhayntan madaxweynaha ayaa dhalisay dareeno kala gedisan waxana iskubedelka Wasaaradihii lagu sameeyay kamid ahaa Wasiirki hore ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirki Waxbarashada Marwo Samsamo oo wasaaradaha loo kala bedelay balse wasiirki hore Ee Maaliyada laga bedelay Samaale uu ku gacan saydhay xilka cusub ee loo magcabay isna casilay isagoo ku dooday inaanu xil dambe ka qabaynaynin xukumadda Madaxweyne SIILAANYO.

Xiligaa kadib waxa bilaabmay loolan iyo xafilatanka jagadda uu Samaale baneeyay ee Wasaarada Waxbarashada waxana batay mashquul madaxtooyada iyo damaca odayaal dhaqameed dedaal ugu jira heli taan iyo hanashada siyaasiyiinta beelehooda ee mansabkan banaanaday. Loolanka adag ee hanashada kurigsigan banaan ayaa la hadal hayaa in xubno miisaan culus madaxtooyadu mashkaxa gelisay waxana beretanka raga ugu cad cad xiligan kamid ah Muxumed Aw Cabdi Gudoomiyihii hore ee Haayada shaqaalaha Somaliland oo saaxiib dhow la’ah madaxtooyada kana mid ah raga daacad u ah ee garab taagnaa hab maamulka Madaxweyne SIILAANYO Sax iyo khalad ba.

Sida ilo xog ogaal ahi sheegayaan Masuulka Muxumed Aw Cabdi ayaa siweyn looga hadal hayaa madaxtooyada lana filayaa in uu Madaxweyne SIILAANYO U igmado wasaaradda Samaale Diiday ee waxbarashada sida la sheegayna waa shaqsi abaal weyn ku leh qasriga kana mid ah halgamayaashi waqtiga adag lasoo qaatay xilayadii kaambaynka adkaa ee Kulmiye Madaxweynaha iyo xukumadiisa. Muxumed Aw Cabdi ayaa kamid ahaan jiray Mujaahidiintii Snm ee halganka dheer usoo galay dib u Xoreynta dalka waxana uu kamid noqday baarlamaankii 1993 la dhisay isagoo saxiib dhow la ahaa kana mid ah la taliyayaasha Ala hawnaxariiste Madaxweyne Cigaal. 2005 ayuu Muxumed ku biiray Xisbiga Kulmiye Waxana uu halgan adag lasoo galay xukumadda talada haysa waxana markii madaxweyne SIILAANYO Talada dalka ku guulaystay loo magacabaay Gudomiyihii haayada Shaqaalaha balse codsi Muxumed Aw Cabdi xagiisi ka yimid ayuu xilka ka tegey Bishii March ee 2012 .

Markale ayaa la filayaa hadaba in Muxumed uu kusoo laabto Saaxada Siyaasada ee Xukumadda Kulmiye waxana si weyn u hadal haysa bulshada iyo xubno looga qaateen ah oo xidhiidh dhow la leh madaxtooyada. Sidoo kale Xubno kale oo qurbajoog iyo qolqol-joogba leh ayaa la hadal hayaa inay ergooyin udirteen Madaxtooyada waxana raga Madaxweynaha loogu tegey kamid ah Cumar Aw Faarax oo imaaradka macalin kasoo noqday balse aan uu odaygu aqoon buuran ulahay hase yeeshe libin aan badnayn ka helaya saraakiil madaxtooyada ka tirsan.

Maxamed Dahir ayaa isna la hadal hayaa in uu quudaraynayo in xilkan loo magacaabo balse Muxumed Aw Cabdi ayaa ugu dhow xilkagan isagana si weyn loo hadal hayaa in odaygu gaws dambeedka ku haysto una qorsheeyay bedelka Samaale,