Hargeysa(AN)Wasiirkii Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. waa wasiirkii 2-aad ee muddo 48 saacdood ku siman iska casila Xukumadda Siilaanyo, waxaa sidoo kale shalay iscasilay la taliyihii Madaxweynaha ee arrimaha Beelaha la hayb sooco.
Wasiirku waxa uu istiqaaladdiisa u xaqiijiyay BBC-da. Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Wasiirkii Maaliyaddu iska Casilay xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay ee ahaa Wasaaradda waxbarashada.









