Obama oo doonaya in Iran 10 sano joojiso Barnaamijka Nukliyeerka

0

Obama-shir-2015-1
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in laga doonayo dalka Iran inay hakiyaan barnaamijkooda Nukliyeerka muddo 10 sano ah, kadib markaas ayaa la oron karaa heshiiskaasi waa mid taariikhi ah.

27ka bishan Maarso ayey qabsadeen dalalka reer Galbeedka ee Maraykana hogaamiyo iyo Dowlada Iran inay heshiis ka gaaraan barnaamijka Nukliyeerka Iran oo uu khilaaf xoogan ka taagan yahay.

Iran ayaa dooneysa in laga qaado cunaqabateynta muddada dheer saaran ee la degtay dhaqaalaheeda, waxayna sidoo kale dooneysaa in loo ogolaado inay sii wadato barnaamijkeeda nukliyeerka oo ay sheegtay inuusan wax lug ah ku lahayn hubka Nukliyeerka.

Dhinaca reer Galbeedka ayaa doonaya in dhamaan xarumaha Nukliyeerka ee Iran loo fasaxo inay booqdaan xiligii ay doonaan khubarada Caalamiga ah ee baarta hubka Nukliyeerka, waxayna doonayaan in Iran ay soo bandhigto xarumaha qarsoodiga ah ee Nukliyeerka lagu kobciyo.

Wadahadaladan ayaa wakhti dheer soo socday waxaana la filayaa in lasoo afjaro dhamaadka bishan Maarso, walow aan weli meel la isla dhigin wixii lagu heshiin lahaa. Sidoo kalena labada dhinac ayaa weli ku kala fog qodobada la isku heysto.