Xisbiga UCID Laantiisa Birmingham Oo Ay Ku Soo Biireen Taageerayaal Miisaan Culus Ku Leh Dalka UK, Kana Soo Kala Jeedda Gobolada, Togdheer, Sanaag, Gabiley Iyo Maroodi-Jeex

0

IMG_FAE6A6-DF4E44-75A4CB-9CFA03-8302D4-7A3DBF

Xisbiga UCID Laantiisa Birmingham Oo Ay Ku Soo Biireen Taageerayaal Miisaan Culus Ku Leh Dalka UK, Kana Soo Kala Jeedda Gobolada, Togdheer, Sanaag, Gabiley Iyo Maroodi-Jeex:

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka ee UCID Laantiisa Birmingham ayaa Xaflad aad u balaadhan u qabtay Taageeryaal ku soo biiray Xisbiga UCID habeenimadii 28/02/2015, Taageerayaashan oo ka soo diga rogtay Xisbiga KULMIYE iyo Xisbigii Dhacay ee UDUB. Xafladan oo si balaadhan loo soo agaasimay ayna ka soo qaybgaleen Madaxda Xisbiga UCID ee heer Qaran iyo heer UK.

Madaxda heer Qaran ee Xisbiga UCID ee xaflada ka soo qaybgashay waxa ka mid ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Aar iyo Xoghayaha Maalgashiga Mudane Cabdi Daakir, waxa kale oo ka mid ahaa Madaxda Xisbiga UCID ee EUROPE iyo UK iyo Laamaha UK, sida Birmingham, Coventry, Cardiff, Bristol iyo London. Dhammaan Madaxdani waxay Xaflada ka soo jeediyeen khudbado aad u qiimo badan oo ay ku faah-faahiyeen Siyaasadda Xisbiga UCID.

Xafladani dulucdeedu waxay ahayd oo lagu soo dhawaynayay Taageerayaal Miisaan Culus amaba aanu oran karno waa ruugcadaagii xaga Siyaasadda Qurbaha, rugcadaagan oo ka soo kala jeeda Gobolada Togdheer, Sanaag, Maroodi-Jeex iyo Gabiley, waxana ka xusi karnaa xubnihii xalay Xisbiga UCID ku soo biiray Mudane Muuse Maxamed Ducaale oo ay walaalo yihiin Wasiirkeenii hore ee arrimaha dibada Dowladii UDUB Mudane Cabdilahi Maxamed Ducaale, Muuse Waa Rugcadaagii Xisbiga UDUB, waxa kale oo ka mid ah rugcadaaga Proff. Siciid Physics oo ah Aqoonyahan caan ka ah Dalka Somaliland qayb weyna ka qaaday Halgankii dalka Somaliland lagu xoreeyay iyo waliba Guulihii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay Doorashii Madaxweyne Siilaanyo Ku guulaystay, wuxuuna ahaa Macalinkii Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Waxa kale oo rugcadaaga xisbiga ku soo biiray ka mid ahaa Mudane Cumar Gaas Warsame oo ka mid ah rugcadaagii halganka dheer la soo galay xisbiga KULMIYE isagoo naf iyo maalba u huray sidii uu Xisbiga KULMIYE u soo bixi lahaa. Ragan miisaanka leh waxaa iyagana la socday oo ay hogaaminayeen Taageerayaal aad u farabadan oo iyaguna ku soo biiray Xisbiga UCID.

Run ahaantii waxa sida cadceeda u muuqata in Xisbiga UCID uu noqday xisbiga kaliya ee maanta Shacabka reer Somaliland ay isugu yimaadeen, waxaana xisbiga si raabo raabo ah u soo galaya Waayo aragii iyo Aqoonyahankii reer Somaliland, Xisbiga UCID waa Xisbiga kaliya ee mabaadiidiisa iyo Siyaasadiisa aynan ku salaysnayn Caadifad, Qabyaalad iyo Kursi Jacayl. Sidaa darteed Shacbi weynaha reer Somaliland ee ku nool Dalka UK iyo dunida dacaladeeda waxanu ugu baaqaynaa in ay Xisbiga UCID ku soo biiraan, gacana ka siiyaan sidii uu ugu guulaysan lahaa Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ee la filayo in ay Somaliland ka qabsoomi doonaan Insha Allaah.

Waxaan halkan uga mahad celinaynaa Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Birmingham oo iyagu xafladan quruxda badan soo agaasimay, qaasatan Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Birmingham iyo xubnaha fir-fircoon ee la shaqaynayay ee isugu jiray Dumarka iyo Dhalinyarada, waxa kale oo aanu aad ugu mahadcelinaynaa Odayaasha Goosdanbeedka Xisbiga UCID ee Birmingham. Waxaana magaalooyinka kale ee UK ku dhiirigalinaynaa in ay ku daydaan wacdarahaa ay soo bandhigeen reer Birmingham.

Mr. Abdulqadir Mohamed Abdulahi (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

ee Xisbiga UCID Laanta UK

warfaa_101@hotmail.co.uk