Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Xaydar Alcabadi ayaa sheegay in ciidamada dwoladdu ay ku duulayaan magaalada Tikrit oo ah meesha uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Saddam Xuseen.
Xoogagga dowladda Islaamka ama Daacish ayaa xagaagii hore qabsaday magaaladaasi, dowladda ayaana ku guuldareysatay inay dib u qabsato Tikrit.
Isagoo ka hadlaayay magaalada deriska la ah ee Samarra, Mr Cabadi waxa uu kooxdan Sunniyiinta ah ugu baaqay inay hubka iska dhigaan dowladdiisana isu dhiibaan si aysan shacabka dhibaato u gaadhin.