Hargeysa(AN)Qaar badan oo kamid ah shaqaalihii Temperary-ga ahaa ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka ayaa iska hulaylay wasaaradaasi kadib markii ay cadaalad daro badan kala kulmeen wasaaradaasi oo qaarkood ay ka shaqaynayeen muddo dheer.
Waxyaalaha ay inta badan ka cabanayaan shaqaalahaasi ayay ka mid tahay muddo dheer oo ay soo ahaayeen Temperary ,sidoo kalena usoo shaqaynayeen wasaaradaasi ,iyaga oo aan intaas oo dhan helin waxay xaqa u lahaayeen.
Kuwo badan oo shaqaalahaasi kamid ah ayaa dalka iskaga baxay ,iyaga oo dalka iska tahriibay,waxa kale oo jira kuwo kale oo iska jooga ,iyaga oo aan hayn wax shaqo ah waqtigan,waxaanay arrintani timid kadib markii dhalinyaraddaasi oo kamid ahayd dhalinyaraddii jaamacaddaha ka qalin jebisay la dul keenay shaqaale hab reernimo ah lagu qaatay ,kuwaas oo ay dabada ka riixayaan wasiir ku xigeenka wasaaradaasi iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka.
Wasiirka Qorshaynta Qaranka ayaan isagu ahayn mid warba ka haya waxyaalaha ka dhex socda wasaaradda marka laga yimaado xafiisiisa oo uu muddo saacado ah ku qaato,waxaana meesha ka baxay wada shaqayntii iyo xidhiidhkii ka dhexeeyey wasiirka iyo shaqaalaha wasaaradaasi.
Tan ayaa kusoo beegmaysa xili shaqo la’aan baahsani dalka ka jirto,sidoo kalena ay dhalinyaraddii jaamacadaha ka baxay dalka iskaga yaacayaan ,kuwii Temperary-ga ahaana ay ku dulman yihiin wasaarado badan oo dalka ah,taas oo keeni karta kacdoon dhalinyaro ama tahriib sii balaadha,mana jiraan Waqtigana wax dhalinyaro ah oo wasaaraddaasi kaga shaqeeya Temperary,halka kuwa Permanent-ga ahina mushahar xumo kaga cabanayaan Wasaaradda Qorshaynta .








