Hargeysa(AN)Wargeyska Yool ka helay ilo rasmi ah ayaa lagu sheegay in Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera Doorashooyinka iyo geedi-socodka Nidaamka Dawlad-Wanaagga ay Komishanka Doorashooyinka u jareen xidhiidhkii wada-shaqeyneed ee farsamo iyo dhaqaale-ba, kadib markii ay saluug ka muujiyeen nidaamkooda Shaqo ee ku aadan gudashada masuuliyaddii Qaranku u igmaday.
Dawladaha Somaliland ka taageera Geedi-socodka Nidaamka Dimoqraadiga oo sida lagu sheegay Xogaha uu Wargeysku helay qoraal arrintan ugu soo diray wadiiqooyinka diblomaasiga ah (Diplomatic Channels) ayaa ku naqdiyey Guddiga Doorashooyinka inay u muuqdaan kuwo aan haba-yaraatee ilaa hadda samaysan Qorshe Wax-qabad leh tixraaci xisaabeed iyo jadwal Shaqo, sidoo kalena waxay saluug ka muujiyeen fulin la’aanta doorkii Xukuumadda Somaliland ku lahayd Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan bisha lixaad ee Sanadkan 2015-ka.
Sida ay tilmaameen ilo-wareedyadu Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka iyo geedi-socodka Nidaamka Dawlad-Wanaagga (Steering Committee) oo ka kooban dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska, Sweden iyoDenmark, ayaa ku adkeeyey Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Siyaasada iyo Guddiga Doorashooyinka inay wadajir ah uga wada shaqeyaan hirgelinta Diiwaangelinta codbixiyaha, si ay badhtamaha Sanadkan dalka uga qabsoonto Doorasho ku dhisan nidaam xor iyo xalaal ahi.
Sidoo kale Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ahi waxay cadeeyeen inuu dhinacooda diyaar ka yahay dhaqaalihii Diiwaangelinta iyo Doorashadu, hase-ahaatee mawqifkoodu yahay in la sameeyo saaxad suurtogal ka dhigaysa inay waqtigeedii dalka ka qabsoonto Doorasho ku salaysan sax ah oo lagu wada kalsoon yahay, taasoo jawaab u noqonaysa eedo arrinkaas ku saabsanaa oo uga yimi Xukuumadda Wasiirka Arrimaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancade. Dawladaha iyo deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka ayaa hore Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uga digay inuu ku kaco waxyaabo carqaladayn kara oo dibna u dhiga Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo ku beegan inay dalka ka qabsoonto badhtamaha Sanadka 2015, Diyaargarow la’aanta Xukuumada ee doorashada ka sokow, diblomaasiyiinta reer galbeedku waxay walaac ka muujiyeen in mashruuca diiwaangalinta Madaniga ahi si dad-ban caqabad ugu noqdo Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, kaasoo ay hore u naqdiyeen Axsaabta Siyaasada, Masuuliyiinta Goleyaasha Qaranka iyo qaybo ka mid ah bulshada Somaliland. Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Md. Siciid Cali Muuse oo aanu la xidhiidhnay, si aanu arrintan wax uga weydiino ayaa dhiciisa suurtogal ka noqon waayey.
Isbaaro Doorasho;- Warar Wargeyska Yool ka helay ilo rasmi ah ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay Maalmihii u dambeeyey ku hawlanaydd qorshe caqabad iyo isbaaro ku noqon kara Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladu ku qabsoomaan waqtigii loo asteeyey oo ku mudaysan 26/06/2015.
Qorshahan oo sida warka lagu sheegay looga gol-leeyahay Suurtogalnimada hadafka muddo-korodhsi ee Xukuumadda Siilaanyo, ayaa qoddobada waxa mid ah saldhiga u ah dib udhac









