Istanbul(AN)Wada hadalada Somaliland iyo Somalia uga furmi lahaa Axaddii Wadanka Turkiga ayaa wali furmi la. Wada hadalka ayaa furmi waayay kadib markii Weftiga Somaliland diiday inaanay hor fadhiisanayn Weftiga Somalia oo ay ku jiraan xubno asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Wariye Nuur Bukhaari oo ah wariye madaxbannaan kuna sugan Goobta Shirka ayaa BBC-da u sheegay in Weftiga Somaliland dawladda Turkiga u gudbisay warqad cabasho ah oo ay ku diidan yihiin 4 Xubnood oo reer Somaliland ah balse hadda Somalia matalaya. Dawladda Turkiga ayaa warqada u gudbisay Dhinaca Somalia, waxaanay kulamo dheer kadib sheegeen inay Isniinta Maanta mawqifkooda caddayn doonaan.
Wada hadalada ayaa la rajaynayaa inay maanta furmaan ama Baaqdaan, lamana Oga cidda tanaasuli doonta.
Somaliland ayaa go’aansatay inaanay marnaba hor fadhiisan Weftiga Somalia inta ay ku jiraan Xubnaha reer Somaliland ee Somalia shirka u soo diratay, arrintaasina waxay keentay Weftiga Somalia in lagu dirqiyo inay dib iskugu noqdaan kuwaasi oo caawa laga sugayo inay arrintan go’aan ka gaadhaan.
Wariyaha HCTV Cabdixaafid Cawil oo goobta Shirka ku sugan ayaa sheegaya in haddii Guddida Somalia laga saaro Xubnaha Asal ahaan ka soo jeeda ay taasi keenayso in Guddida Somalia noqoto ilaa 3 ama 2 Qof oo guddida rasmiga ah ee Shirka loo soo diray ah. waxa uu sheegay in Somalia jabisay xeer hore oo dhigayay inaan weftiga Somalia lagu soo darin xubno dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda.
Mawqifka Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay arrintan u arkaan in Somalia burburinayso wada hadalada labada dhinac “Dawladda Turkiga iyo Iyagaba(Somalia) waanu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Somalia ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba Ogolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan.Markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wada hadlo” ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC-da la hadlay.
Wasiirku waxa uu sii sababeeyay diidmada Somaliland ee Xubno reer Somaliland ah oo Soomaaliweyn u shaqo tagay “Annagu diyaar uma nihin mana Ogolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tagay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Masiiriga ah ee ajanduhu ahaa arrimo ka horeeya laga wada hadlayo “Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas wadan wada hadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af Xumo ah la iska ilaaliyo laakiin, af xumooyin faro badan ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa”
Warsaxaafadeedka Somalia ku Cabirtay Mawqifkeeda ee ay Maanta Istanbul ka soo saartay:-
Iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.
Wafdiga oo damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaa uu caddeynayaa in uu diyaar u yahay in uu la fariisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.
Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac









