Gudiga doorashada ee Masar ayaa sheegay inuu ka shaqaynayo waqtigii la qaban lahaa doorashada baarlamaanka oo ahayd in la qabto bishan. Horaantii, maxkamada sare ee Masar ayaa go’aan ku gaadhay sharci ku saabsan micnaha xaafadaha laga soo dooranayo xubnaha baarlamaanka inay dastuurka ka soo horjeedo. arrintan ayaa keenaysa inay daahiso doorashada.
Madaxweyne Abdul Fattah al Sisi ayaa go’aanka kadib amray in sharci cusub dib loo qoro bil gudaheed.
Masar ayaa ahayd baarlamaan la’aan tan iyo 2012-kii markii maxkamad ay kala dirtay.