Diyaarad laga leeyahay dalka Iran ayaa ka soo degtay magaalo madaxda Yemen ee Sanca markii u horaysay sanado badan.
Diblomaasiyiin sare oo reer Iran ah ayaa ka hortagay, si ay u soo dhaweeyaan diyaarada oo timid toddobaadyo kadib markii ay Shiicada Xuutiga magaalada ay qabsadeen .
Diyaarada ayaa waday gargaar caafimaad iyo shaqaale Bisha Cas ee Iran.
Wakiilo Xuuthiyiin ah ayaa u duuli doona Iran toddobaadkan. Madaxweynihii Yemen iyo qaar ka mid ah wasiiradiisii qaarkood ayaa ka tagay Sanca markii Xuutiyiintu ay qabsadeen,si ay uga sameeyaan dowlad magaalada Cadan.