Ceerigaabo (SM) Hubaal waxa ah in dalba dalka uu ka musuqmaasuq yaryahay ka horumarsanyahay, beryahan danbe waxa soo shaac baxay musuq-maasuq aan xad lahayn oo ay ku kacayso dawladan waqtigeedu sii galbanayo.
Dhawaan madaxwaynuhu wuxu magacaabay Degmo Cusub oo magaceeda layidhaaho Gudmo-biyo Cas, degmadan xilalkeedii oo dhan waxa laga raray dhinac looma cadaalad samayn dadkii deegaanka ku noolaa, taas markaad ka gudubto waxa safar ku yimi gobolka Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Wadooyinka iyo Dekedaha Jamhuuriyadda Somaaliland, waxana loo gudbiyey cabasho dadka deegaanku ay ka qabaan saami qaybsiga gobolka iyo kan degmada Gudmo oo dhinac ka raran, laakin dhegaha ayuu ka furaystay arrinkaas.
Arrinta layaabka leh ee wasiirku sameeyay ayaa waxay tahay wuxu ugu deeqay gaadhi Serf ah degmada Gudmo, gaadhigaas si degdeg ah ayuu u ansixiyey qarashkiisa, isagoo taagan halkii lagu waydiistay ayuu amray in lasoo iibiyo gaadhiga, lacagta lagu soo iibiyey gaadhigu waa hantida qaranka Jamhuuriyadda Somaaliland waxaynu ognahay in iibka hantidu maro Jararjarooyin kala danbeeya si loo ilaaliyo hufnaanta loona yareeyo musuq-maasuq hantida dawladda, gaadhigaas laguma xidhin taarikada gawaadhida dawladdu leedahay, waqtiganna gaadhigu wuxu u sheqeeyaa Degmada Gudmo- Biyo Cas isagoo leh taariko Shicib.
Su’aasha qof walbaa is waydiin karo ayaa ah wasiirku ma hadyad jeebkiisa ah ayuu ka bixiyey gaadhiga, ma dawladaa leh, waa maxay sida degdeg ah ee lagu ansixiyey lacagtii lagu soo iibiyey gaadhiga waayo waxa la ogyahay lacag ansixinteed inay marto jaranjarooyin kala danbeeeya.
Arrintan waxa la mid ah Gaadiidka ka hawl gala wadada isku xidhi doonta Sanaag iyo Togdheer oo gaadiid tiro badani ka sheqeeyo, gaadiidkaas ka sheqeeya waxa lagu soo iibiyey hantidii qarankeenan curdinka laakin ma diiwaan gashana wuxuna leeyahay taariko shicib, waxana loogu talo galay in dhamaan gawaadhidaas lagu qoro shakhsiyaad si loo yidhaaho iyaga ayaa iska lahaa.
Arrintan ayaa ah khiyaamo cad oo laga gelayo qaranka itaalka daran ee aan haysan lacag laga khiyaameeyo ama si xatooyo ah loo lunsado, murti ka mid ah murtida soomliyeed ayaa ahayd (HA IS ODHAN CIDI KUMA ARKAYSEE AFKA BUUXSO), ilaahay ayaa arkaya oo duwasha ka daawanaya kamana faa, iidi doonaan oo waa hanti umadda ka dhaxaysa oo laga soo ururiyey dad danyar ah oo aad u liita.
Gebo-gebadii waxaan usoo jeedin lahaa wasiirka wasaaradda Madaxtooyada inuu ilaahay ka cabsado hantida qarankana u maamulo sida ugu wanaagsan, Maankana ku hayo in ilaahay arkayo dushana ka daawanayo waxa ka dhacay addunka, horena adduunyada usoo mareen dad ku takrifalay awoodii iyo hantidii ay gacanta ku hayeen oo la hayo taariikhda halkay ku danbeeyeen.









