Dagaal ayaa saaka subaxnimadii waxa uu dhexmaray ciidamada somaliland iyo malayshiyaad ka taabacsan maamulka khaatumo dagaalka oo mudo kooban socday ayaa waxa uu gestay khasaare dhimasho iyo dhaawcba isugu jira waxaana inta badan dad goob joog ahaa u sheegeen shebekada caalamiga ah ee arabsiyomedai inay ku dhinteen 8 qof iyo dhaawac oo aad u badan
Dagaalkan u dhaxeeya ciidanka qaranka somaliland iyo malayshiyaadka taabacsan maamulka khaatumo ayaa waxa ay weerer ku soo qaadeen fadhiisinada ciidamada qaranka somaliland ay ku leeyihin degmada qorilugud ee xarunta buuhoodle
Geesta kale gudoomiyaha degmada qorilugud ee buuhoodle oo aan khadka telofka kula xidhiidhnay isaga oo ku sugan magaalada hargaysa ee caasimada somaliland ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo bal si xaqiijiyay inuu dagaalkaasi jiro weererkana sheegay inay soo qaadeen kooxda taabacsan maamulka khaatumo
Si kastaba ha ahaatee dagaalkan u dhaxeeya ciidamada somaliland iyo maamulka khaatumo ayaa wixii faahfahin ah ayaa waxaad kala socon kartaa shebekada caalamiga ah ee arabsiyomedia









