Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo mar kale ka hadlay doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto sanadkan gudihiisa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xukuumadda loo sameeyo muddo kordhin, haddii doorashadu xilligeeda ku dhici waydo.
Suldaan Maxamed Waxa uu ka hadlay dhawaaqyada nabadgalyada waxyeelaya ee ka soo yeedhaya xisbiyada Mucaaradka ah, waxaanu ku baaqey in dadkoodu u caqli celiyaan “Waxaan leeyahay Balaayada la Sahansanayo ILAAHAY ha innaga nabad geliyo, wixii dhibaato wadana waxaan leeyahay ummaddoodu ha uga tudho. Doorashadu qadar Alle weeye, wax walbana qadarkiisa ayay ku yimaaddaan, Qadarka ILAAHAYNA cidna ma dhaafi karto oo wuxu qoray wuu dhacayaa, laakiin dadka saadaalinaya dhibaatada waa dad aan ka damqaneyn wixii dadkani soo maray. dagaalna faa’’iido malaha oo hore ayaynu ugu soo dhamaanay”ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Doorashadu hadday dhici waydo dawlad la’aani ma dhacayso, waayo haddii adeegyada doorashaduba kala dhinmaan waxa loo baahan yahay in aanay dawlad la’aani dhicin oo waa in xal la gaadhaa, xalkuna waa muddo kordhin”
Suldaan Maxamed oo sii hadlaya ayaa sheegay “Muddo kordhintu waa badbaadada shacabka reer Somaliland, laakiin ciddii taa diidan ee leh dagaal baanu kicinaynaa, waxaanu leenahay ma jirto sabab aad dagaalo u doontaa, waayo doorashada waxa maamulaya komishanka, doorashaduna waxay u baahan tahay imkaaniyaad (Diwaangelinta), waxa weeyaan in muddo kordhin la sameeyo oo la dhamaystiro, dadkuna aanay ku dhicin dawlad la’aan…”