suuqa shidaalka ee Black Sea Ee Magaalada Muqdisho Ayaa Gubtay

0

150223101702_war_hadda_soo_dhacay_304x171_bbc_nocredit

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dab uu qabsaday suuqa shidaalka ee Black Sea.

Waxaa uu ka mid yahay suuqyada ugu waawayn ee dhinaca shidaalka Muqdisho.

Lama oga ilaa hadda qasaaraha dhabta ee uu gaystay ee naf iyo maal, balse waxaa la sheegayaa in uu wali dabku socdo oo la damin la’yahay.

Dad goobjoog ah, ayaa sheegay in uu socdo dadaal, kooxaha dab-damiskuna ay halkaas gaareen.