
Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa maanta oo Isniin ah isbitaalka digfeer ku booqdey dadkii ku dhaawacmey weerarkii Jimcada ee ka dhacay Hotel Central magaalada Muqdisho.
Raysalwasaaraha oo dalka ka maqnaa marka weerarku dhacaayey ayaa yimid maalin kadib weerarka. Waxaana uu mid mid u salaamey dadkii waxyeeladu soo gaartey, isaga oo caafimaad u rajeeyey.
Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale dhakhaatiirta ka waraystey xaaladda dadka dhaawacoodu liito oo qaarkood uu sheegey in loo qorsheeyey in dalka dibadiisa loo qaado maaadaama aan isbitaalka ay hadda ku jiraan deg-deg wax looga qaban karin.
Dadkii ku dhaawacmey weerarka ay fulisey gaabdh la aaminey waxaa ka mid ahaa raysalwasaare kuxigeenkiisa maxamed Cumar Carte, oo hadda lagu daaweynayo dalka Turkiga.
Waa masuulkii u sareeyey ee booqda dadkii waxyeeladu ku soo gaartey weerarkii Hotel Central oo markii uu dhacayey uu ku maqnaa dalka dibadiisa.








