Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa booqdey magaalada Kismaayo (Sawiro)

0

IM-2311

Waxaa garoonka magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubbaland ka degay wafdi uu hogaaminayo safiirka dalka Turkiga u jooga dalka Soomaaliya Olgan Baker.

Wafdiga safiirka waxaa garoonka ku soo dhaweeyey madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdulqaadir Luga-dheere, Wasiiro ka tirsan Jubbaland, Masuuliyiinta gobolka Jubbada Hoose iyo qaarka mid ah shacabka Jubbaland.

Wafdiga ayaa loo gudbiyey xarunta Madaxtooyada maamulka Jubbaland waxaan halkaa uga furmaya shir u dhaxeeya madaxda Jubbaland iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya iyo madaxda ku wahelisa.

Madaxda Jubbaland ayaa saxaafada u sheegay ujeedka safarka safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ay sugayeen maalmahan in uu yahay sidii ay ugala hadli lahaayeen sidii mashaariic looga fulin lahaa guddaha deegaamada Jubbaland oo ay ka jirto baahiyo Caafimaad, waxbarasho iyo hormarinta bulshada.

Saacadaha soocda ayaa la filayaa in uu soo dhamaado kulanka safiirka Turkiga iyo madaxda Jubbaland, Waxaa sidoo kale la qorshaynayaa in uu safiirku booqdo xarumaha Caafimaadka Kismaayo iyo xerooyinka Barakacayaasha Kismaayo.

Warkan oo faafaahsan dib ayaan u soo daabacaynaa lasoco An