Dowladda Kenya oo ka hadashay xirida Akoonada Xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka

0

Amina

Wasiirka Arrimha dibada dalka Kenya Aamino Maxamed ayaa ka hadashay xiritaanka Akoonada xawaaladaha Soomaalida oo uga furnaa Bangiyada dalka Maraykanka oo todobaadkii hore la joojiyey.

Aamino ayaa sheegtay in aysan dowladooda Kenya aysan wax dhib ah ku qabin xawaaladaha ka shaqeeya gudaha dalka Kenya oo Akoono uga furan yihiin Bangiyada dalka Kenya.

Waxay Sheegtay wasiiradu in lacagaha laga soo diro dalka dibadiisa ay Soomaali badan u maareeyaan nolashooda, waxay xustay in xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ku yaala ay iyaguna baahiyo badan ku fushaan lacagaha looga soo diro dalka Dibadiisa.

Aamino Maxamed waxay sheegtay in aysan Dowladda Kenya ku dayan doonin dowladda Maraykanka oo aysan xiridoonin Akoonada iyo xawaaladaha Soomaalida oo hada haysta fursado ay dalka Kenya uga shaqaystaan sidoo kalana wax ku caawiyaan dadkooda dhibaataysan, Waxay sheegtay in meesha ka saartay cabsida laga qabay xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee Kenya