Kiristaan Ku Baaqay In Maxkamad La Soo Taago Yuhuudda, Maxay Tahay Sababtu?

0

unnamed13-150x150

Dola Indidis waxa uu hore u ahaa garsoore , sidoo kale waxa uu soo noqday afhayeenka hay’adaha cadaaladda ee dalka Kenya waxaana la sheegay in uu dadaal ugu jiro sidii dacwad loogu soo oogi lahaa boqortooyadii Tibersius oo Yuhuud ahayd taas oo ay kiristaanku aaminsanyihiin in ay dishay Nebi Ciise oo Kiristaanku ay u aaminsanyihiin Ilaahooda.

Ididis waxa uu doonayaa in maxkamadda cadaaladda ee dunidu ay xukunto in ay denbi ahayd dilka uu aaminsanyahay in ay Nebi Ciise u geysatay boqortooyadii Yuhuudda ee fadhigeedu ahaa magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga taas oo iminka denbigaas wax laga saarayo Dawladaha Yuhuudda iyo Talyaaniga ee wakhtigan jira.

Garsoorahan u dhashay dalka Kenya ayaa sheegay in inkasta oo iminka ay ka soo wareegatay dilka uu aaminsanyahay in loo geystay Nebi ciise muddo ka badan 2,000 oo sano, hadana loo baahanyahay in masuuliyadda dilkaasi ay qaataan Dawladaha Israaiil iyo Talyaaniga oo arintaasi ay soo geleyso.

Ninkan ayaa kiiskiisa u gudbiyey maxkamadda ugu weyn dunida ee cadaaladda isaga oo sheegay in dilka Kiristaanku aaminsanyihiin in loo geystay Nebi Ciise uu ahaa mid aad u foolxun kaas oo ay tahay si aan gef looga gelin buugga Baybalka loo baahanyahay in go’aan laga gaadho khaladkii ay sameeyeen kuwii dilka geystay