Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in saqddii dhexe ee habeen hore Dab-damisyada dawladda hoose badbaadiyeen suuqa waaheen oo uu dab-qabsaday, waxaanu ku baaqey in jidadka suuqaasi dhex mara dadka dhex degani ka guuraan si loogu gurman karo wixii dhib ee ka dhaca Suuqa.
Maayarka ayaa sheegay in badbaadintaasi ay keentay kadib markii saddex cisho ka hor jid shan boqol oo mitir ah ay ka baneeyeen suuqa Waaheen taasina ay sahashay in habeen hore dab-kaasi qarxay la badbaadin karo.
Maayarka oo dabkii shalay la hadlay saxaafadda ayaa sheegay “Waxaan u mahad naqayaa ciidanka dabdamiska dawlada hoose oo habeen hore labadii habeenimo badbaadiyey suuqa weyn ee Waaheen, isago makhsin ka mid ah dab qabsaday, waxa nasiib wanaag ahayd in saddex cisho ka hor aanu jidkaasi suuqa loo mari lahaa banaynay shan boqol oo mitir oo olole ku qaadnay, bani’aadamku inuu ganacsado waa muhiim laakiin in jidkii iyo meelihii suuqa loo dhex mari lahaa loo xidho waa arrin adag, waxaan leeyahay waddooyinki loo mari jiray suuqa waaheen waanu banaynaynaa, dadkii suuqa inji loo dhisay ha galaan, intii suuqa jajabka loo dhisayna ha gasho, laakiin marna aqballi mayno in meel loo maro la waayo meeshii hantidii ummaddani oo dhani taallo, qolka gubtay waxa yaalay hanti dhan soddon kun oo dollar oo ay la jaar ahayd meheradihii kale oo hantiddii umadani oo dhan yaaliin, haddii ayna maalinti dhowayd jidkii banayna way isla bas beeli lahayd, aad baan u mahd celinayaa ciidanka dab-damiska iyo ciidanka dawladda hoose sida wanaagsan ee suuqaasi u badbaadiyeen, waxaana dadweynaha leeyahay jidka Saylada ka timaada ee maalintii dhowayd banaynay iyo ta kale waqooyiga martaba waa in dadka degani ka guuraan, qofna waddo dhexdii loo ogolaan maayo inuu dhex dego, wadooyinka dhexmara suuqa waa la wada banaynaya”
Intaas ka dibna waxa uu booqday suuqa waaheen iyo meheraddii gubatay, waxaanay dadweynaha suuqa waaheen u mahad naqeen dawladda hoose iyo gurmadkii degdega ahaa ee ay ugu timid, iyagoo ballanqaaday inay la shaqayn doonaan dawladda hoose.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inuu soo gaadhay qalabkii ay dirsadeen qaybtiisi u horeeyey kaas oo ah caagagii qashinka fudud lagu ridi lahaa goobaha muhiimka ah.
Maayarka ayaa sheegay in shan boqol oo caagaga qashinka fudud lagu rido loo qaybin doonno meheradaha iyo goobaha muhiimka ah, isla markaana meherad kasta ay masuuliyadeedda qaadi doonto caagagaasi oo ah qaar casri ah oo loo baahan yahay inay ilaashaadan, iyadoo xusay in marka qashinka lagu rido caagagaasi loo keenay gaadiidkii yaryara ee ka qaadi lahaa, isla mrkaana wadooyinka dhex socon lahaa si ay qashinka uga guraan.
Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya qalabka u yimid iyo kuwo kale oo dhexda ku soo jiraba waxa uu yidhi “ waxa maanta na soo gaadhay Caagaggii qashinka fudud lagu ridi lahaa, waxaana bishan 25 keedda inoo imanaya ishaarooyinka gaadiidka kala hagayey oo ah solar system kuwo qoraxda ku shaqeeya, maanta qalabkan ina soo gaadhay waa caagagii qashinka fudud lagu ridi lahaa waad ogtihiin oo caagaga biyaha sharabka ama biyaha lagu cabo dadku wadooyinka iskaga soo tuuraan, maanta laga bilaabo waa la ganaaxi doona qofka isagoo gaadhi wata ama jid maraya caagad wadadda iskaga tuura, meherad kasta oo horteedda la dhiga iyada qaadaysa masuuliyadeedda caagan, meherada caagaasi laga waayo ee la hor dhigay ee laga waayo iyadda laga raba caaggi iyo weliba ganaax wixii lagu xukumaba”.
Maayar Soltelko ayaa sheegay inay caagagani ka kooban yihiin shan boqo oo midh, isla markaana la dhigi doono wadooyinka muhiimka ah iyo meheradaha magaaladda si qashinka fudud loogu rido, isla markaana waxa markiiba qaadi doono gaadiid yaryar oo loogu talogalay inay qashinka caagagga marka buuxsamaan lagu qaaddo, taas oo bilicda magaaladda kor u qaadaysa.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay Salaaddii jimce khudbad ka jeediyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, kaga hadlay dhalinyaradda habeenkii rabshadaha sameeya.
Maayarka ayaa waalidka dhalay ciyaalkaasi ugu baaqay inay carruurtooodda ka war hayaan, isla markaana waalid walba ogaado halka uu ku maqan yahay iyo halka uu joogo “Waxaan ugu baaqaya waalidka dhalay carruurta habeenkii dhibaatada u geysta dadka iyo hablahooda waa inay wax ka qabtaan, waayo cidda ay wax u geysanayaan waa hablahoodii iyo dadkii ay la dhasheen, marka waa in waalid waliba ilmihiisa ogyahay halka uu joogo iyo halka uu ku maqan yahay, waa in waalidka iyo ciidamada ammaanku wada shaqeeyaa, maaha waalidku in marka ilmihiisa dadka dhibayey la qabto uuu soo hor boodo oo uu yidhaahdo ilmahaygu wax dambi ah ma galin, haddii waalidku carruurtiisa wax ka qaban waayo waa loo edbinayaa” ayuu yidhi, Maayarka Caasimadda Hargeysa.
</









