Khilaafkii SONYO Oo Lagu Dhameeyay In Cabdicasiis Xirsi Warsame Loo Magacaabo Agaasimaha Fulinta Ee Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland

0

 10882313_762566450464820_7404343118321678380_n

Khilaafkii mudada dheer ka taagnaa hoggaanka dalladda dhallinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa shalay la soo gabogabeeyay, waxaana la shaaciyey go’aanada lagu dhameeyay khilaafkaasi oo ka taagnaa Guddoomiyaha dalladdaasi.

Shirweynihii 7-aad ee SONYO ayaa waxa guddoomiye loogu doortay Siyaad Cumar Cali, hasa-yeeshee khilaaf xoog leh ayaa ka dhashay ka dib markii uu arrintaasi qaadacay Cabdicasiis Xirsi Warsame oo isaguna Guddoomiyenimada SONYO u tartamayey.

Laakiin xallinta khilaafkaasi oo ay ku jireen guddi is xil-qaantay ayaa lagu dhameeyay in Cabdicasiis Xirsi Warsame oo ahaa xuddunta khilaafkaasi loo Magacaabo Agaasimaha fulinta ee Sanduuqa Horumarinta dhallinyarada Somaliland, kaasi oo SONYO maamusho.

Wasiirka dhallinyarada iy ciyaaraha Somaliland, Cali Siciid Raygal oo ka hadlayey shir jaraa’id oo shalay lagu shaaciyey xalka khilaafkaasi, ayaa yidhi “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa cid kasta oo ka soo shaqeysay wada jirka dalladda dhallinyarada Somaliland SONYO, waxaana noo farxad ah inuu khilaafkaasi oo afjarmay, waxaanu isla garanay (Oo khilaafkii lagu dhameeyay) in Siyaad loo doortay Guddoomiyaha SONYO, Cabdicasiis Xirsi Warsame oo isaguna tartamay oo hawl badan soo galay waxaanu isla garanay in loo dhiibo Agaasimaha fulinta ee sanduuqa horumarinta dhallinyarada (oo SONYO Maamusho), xubnihii hoggaankana waa laga heshiiyey oo khilaafkii wuu dhamaaday”

Guddoomiyaha SONYO, Siyaad Cumar Cali, ayaa isaguna soo dhaweeyay xallinta khilaafkaasi “Waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa cidda ka soo shaqeysay wanaagga maanta iyo inaanu Cabdicasiis is garab fadhiisanno, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa laamaha dawladda, gaar ahaan wasiirka dhallinyarada”ayuu yidhi.

Cabdicasiis Xirsi Warsame oo u tartamay Guddoomiyenimada dalladda SONYO, ayaa isaguna shirkaa jaraa’id ka sheegay  “Waxaan aad ugu faraxsannahay inuu naga soo dhamaaday khilaafkii SONYO ee mudada socday. Waxa kale oo aan u mahad-naqayaa guddida u dhabar adaygtay ee soo saartay go’aanadan lagu wada qancay. Khilaafkiina waxaanu ku dhamaynay in dhinac walba guuleysto. Siyaad Cumar Cali waxaanu uga tanaasulay inuu ahaado Guddoomiyaha SONYO” ayuu yidhi.