Muqdisho Dhimashada iyo Dhaawaca Weerarkii Shalay Oo Kor U Kacday iyo 12 Qof Oo Madaxda iyo Ilaalada Hotelka Ah Oo Loo Qabtay+Shir Degdeg Ah Oo Xukumaddu Yeelatay

0

c75d989e9390ec427b9556a44b0cbd7c_L

Muqdisho(AN)Ugu yaraan 25 Qof oo madax dawladdeed ku jirto ayaa ku geeriyooday Weerarkii Shalay Al-shabaab ku qaaday Hotelka Central ee Badhtahama Muqdisho, kuna dhaw Madaxtooyada oo Madaxda Dawladda ka tirsani degan tahay qaarna wakhtigaasi ku tukaneyeen Salaadda Jimce. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 40 Qof oo Madaxda dawladdu ka mid tahay sida lagu sheegay war Xukumadda Somalia ka soo baxay.

Shir degdeg ah oo Wasiirada Somalia iyo Madaxweynuhu yeesheen xalay ayaa lagu lafo guray Arrimaha amaanka, sidoo kalena lagu magacaabay laba Guddi oo wasiiro iyo Maasuuliyiin dawladded ah oo baadhis xeel dheer ku samaysa Dhacdadan iyo sidii looga hor tagi lahaa.

Cabdi Risaaq Cumar Maxamed,Wasiirka amniga Somalia, oo Kulanka Madaxda dawladda kadib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’isal wasaaraha iyo dhamaan madaxda dawladdu erayadii ugu adkaa ku cambaaraynayso Falka Shalay dhacay. Waxaa kulanka laga soo saaray amarro laamaha amaanka la leeyahay waa inay soo qabtaan cid kasta oo ka dambeysay weerarka sidoo kalena mulkiilayaasha Hotelada lagu farray inay masuul ka yihiin amaanka Madaxda dawladda ee Hotel-ladooda ku sugan.

“ilaa hadda inta la hubo waxaa weerarka ku dhintay laba Xildhibaan, Gudoomiye xigeenkii Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale. Sidoo kale waxa uu dhaawac fudud ka soo gaadhay Ra’isal wasaare xigeenka,ahna ku simaha,  laba wasiir, ilaa 3 Xildhibaan iyo Masuuliyiin kale oo laamaha amaanka ka tirsan,Saraakiil Ciidamada ka tirsan iyo dadweyne kale”

Cidda loo hayo Weerarka

Wasiirku waxa uu sheegay in Sharciga la hor gaynayo cidkasta oo ka dambeysay weerarka “Ilaa hadda Laamaha amnigu waxay soo qabteen 12 Qof oo laba ka mid ahi yihiin Masuuliyiintii Hotelka Central,toban ka kalena yihiin Waardiyeyaashii(Security)Hotelka oo aanu runtii tuhunsanahay inay fududeeyeen in gaadhigaasi qarxay gudaha la galiyo. Dawladdu waxay ballan qaadaysaa inay gacan adag ku qabanayso amniga dalka shacabkana waxay ka codsanaysaa inay gacan siiyaan” ayuu yidhi Wasiirka Amniga.” Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in dhaawaca soo gaadhay Ra’isal wasaare xigeenka Maxamed Cumar Carte uu yahay mid fudud oo Lugaha ka soo gaadhay, laguna dawaynayo Cisbitaalka Digfeer.

Weerarkan waxaa Masuuliyaddiisa sheegtay Ururka Al-shabaab, oo sheegay inay bartilmaameedsanayeen Koox Madaxda dawladda ka tirsan ah oo ku sugnaa Hotelka Central. Hotelka ayaa kamid ah kuwa sida aadka ah loo ilaaliyo ee Madaxda dawladdu inta badan ku sugan tahay.

Sawirrada Hotelka La Weeraray oo ahaa kuwa Raaxada