Nairobi(AN)Dawladda Somalia ayaa rajaynaysa in Ururka Dawladdaha Bariga Africa(EAC) ka aqbalo Arji ay u diratay oo ah inay Ururkaasi ka mid noqoto.
Waxaa Jimcaha Maanta ka furmay, magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya shirweynaha wadamada xubnaha ka ah bulsha weynta bariga Afrika.
Kulankan ayaa madaxda waddamada bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi waxay ku lafogurayaan arrimo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo hiigsiga ah in waddamadan ay samaystaan hab siyaasadeed iyo Bulsheed midaysan.
Kulankan waxaa lagu wadaa in lagu soo qaado waxa laga yeelayo Codsi ah ka mid noqoshada Ururka oo Somalia u gudbisay saddex sanno ka hor, sidoo kalena waxaa miiska saaran Codsiga South Sudan ku doonayso in Ururkaasi lagu daro.
Soomaaliya ayaa saddex sano ka hor gudbisay codsigaasi, waxaana la tilmaamayaa in ilaa waqtigaasi la waday qiimayn ku saabsan in Soomaaliya ay ku biiri karto wadamadan iyo in Kale.
Danjiraha Somalia ee Nairobi, Maxamed Cali Nuur, (Cali Ameerico), ayaa sheegay in Codsiga oo Xukumaddii ku meel gaadhka ahayd ee Somalia gudbisay ay rajo weyn ka qabaan in kulan weynaha wakhtigan ee EAC lagu aqbali doono.
Waxa uu sheegay in Somalia ka faa’iidayso fududaynta Isku socodka wadamada Xubnaha ka ah,is-dhaafsiga Ganacsiga iyo arrimaha Bulshada ee kale.
Ururkan ayaa lagu tiriyaa Ururada waxbadan ka qabtay Ujeedooyinka loo aasaasay ee ah midaynta Cududa Bulshada Bariga Africa iyo sidii waddamadu isku dhaafsan lahaayeen danahooda guud. Somalia ayaa hore uga tirsanayd Ururka IGAD oo aan lagu amaanin waxka qabashada arrimaha loo Igmaday.









