Waxaa laga joogaa muddo saddex sano ah markii macaluushu ku dhufatey qaybo Soomaaliya ka mid ah taas oo galaafatey nafta 258 000 kun oo qof, warbixin ay soosaareen saddex hay’adood oo kuwa gargaarka ka mid ah ayey ku sheegeen in dalku khatar u yahay in musiibo kale oo la mid ah tii dhacdey 2011 ay ka dhacdo mar kale, kadib xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka.
Warbixintan oo ay soo saareen hay’adaha Adeso, Oxfam iyo Global Center ayaa cinwaan looga dhigey “Hanging by a Thread” waxaa hay’aduhu diiradda kus aareen sida ay u saameyneyso $1.3 Billion oo sanadkasta loo diri jirey dadka Soomaaliya jooga taas oo ka ah 25 -45 % GDP Somaliya.
“Lacagta xawaaladaha ee loo diro Soomaaliya ma ahan lacag dheeraad ah, waa lacagtii dadku ku noolaan lahaayeen si ay u badbaadaan” waxaa sidaa lagu sheegay warbixinta hay’aduhu soosaareen iyaga oo soo xiganaya Xaawa Cabdullaahi Warsame oo ku nool waqooyiga Soomaaliya.
Xaawo ayaa sheegaysa in iyada keliya aysan ku xirneyn lacagtaas ee dad ka badan 10 qof oo kale oo qarabadeed ah ay ku xiran yihiin, kuwaas oo u baahan daawo iyo waxbarashada caruurtooda aadaan.
Madaxa hay’adda Oxfam Somaliya Enzo Vecchio ayaa sheegaya in 40% dadka Soomaaliya ku dhaqan noloshoodu ku xiran tahay lacagta xawaaladaha ee ay ehelkoodu u diraan, waxaana ay u isticmaalaan baahida joogtada ah sida Cunnada, Caafimaad iyo Waxbarasho.
Maanta oo Khamiis ah ayaa si rasmi ah Xawaaladaha Soomaalida dalka Maraykanku u joojinaayaan shaqadooda kadib markii Banigiga u weyn ee lacagaha u diri jirey oo xirey Koontooyinkoodi, Waxaa jira dalal wada qorshahan mid la mid ah oo ku yaala Qaaradda Yurub iyo Australia








