Istanbul, (AN) Magaalada Istanbul ayaa gashay xaalad adag oo dhinaca cimilada ah, waxaana duufaan baraf wadata oo magaaladaas iyo meelo ka mid ah dalka Turkiga ku dhufatay ay kala xidhay isu socodkii, waxaana jidadka waaweyn ee magaalada ka dhacay shilal tiro badan oo dhibaato gaystay.









