Hargeisa(AN) Wasiir Xaashiga Duulista Somaliland ayaa maalmahanba maleegayey Shirqool uu kaga takhalusayo Shirkada Nasha oo qandaraas hore qandaraas loogu siiyey fududaynta adeegyada madaarka Caasimada hargeisa.
Qandaraas laba sano ah oo baarlamaanka Somaliland ansaxiyey ayaa shirkada Nasha kaga hawlgashay madaarka Cigaal ee magaalada hargeysa waxaana bulshada ka soo degta madaarka iyo kuwa ka dhoofayaba laga qaadi jirey lacag dhan $10 taaso lagu sababeeyey fududaynta adeegyada rakaabka iyo sugida amniga madaarka.
Shirqoolkan Casriga ah ee wasiir muhanad xiligan maleegayo ayaa ah kuwo uu damacsan yahay inuu weelka qashinka “Dustpin” ka ku rido shirka nasha islamarkaasina madaarka keeno shirkad cusub oo lagu magcaabo “Horn Risk Management” HRM.
Heshiis qarsoodi ah ayaa wasiirka duulistu lagalay shirkadan kaaso aan xalaal ahayn islamarkaasina aanay waxba ka ogayn haba yaraate aqalka golaha wakiilada oo sharciyan xaq u leh in la horkeeno si’ay u xalaaleeyaan.
Wasiir Muhanad Xaashi Cabdi iyo shirkadan aan sumada lahayn ayaa heshiiska ay wada galeen waxaa qayb ka ah in la kordhiyo lacagihii takaaliifta ahaa shirkada Nasha ka qaadi jirtay dadka taaso halkii hore looga qaadijirey lacag dhan $10 laga dhigay $20 oo ah laban-laab.
xogahan oo shabakada Caalamiga ah ee warsomali.net uu siiyey Sarkaal katirsan hawl wadeenada shirkada Nasha oo magiisa layiraahdo Liibaan Cali Apolle ayaa walaac xoogan ka muujiyey xaalada musuqmaasuqa aan gabashada lahayn ee xiligan ka taagan wasaarada duulista iyo madaarka hargeisa waxaana liibaan xusay in wasiirka duulistu xiligan u tafa xaytay boobka hantida umada oo gaadhay buu yidhi heer uu siduu doono u maamusho uguna tagrifalo awooda wasaaradaasi.
Xigasho Warsomali.net
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk









