Nuxurka Khudbad Uu Shirkii Golaha Wasiirada Ka Jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye + Sawiro

0

Hargeysa (AN)  Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyay Shirkii Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Kulmiye.

Shirkan oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu Guddoomiye muuse Biixi Cabdi kaga hadlay Mawqifka Xisbiga Kulmiye ee Doorashooyinka, Waxqabadka xukuumadooda iyo qodobo door ah.


Waxaana qoraal dheer oo uu halkaasi ka akhriyay uu u dhignaa sidan “
Waxa inoo  farxada inaan maanta halkan ku kulano oo cidwalba u cadayno mowqifka xisbigeena ee doorashooyinka. 

Dimuraadiyadu waji gaar ah


ayey u leedahay dal kasta iyo dadkiisa , sababta oo ah waxa ay ka soo dhexbaxdaa habka dhaqan-dhaqaale, diimeed, taariikheed iyo isdhexgalka bulsho ee ummad waliba leedahay.