GUDOOMIYIHII XUSBIGA UCID EE SKADANEFIYAANKA CUMAR DAAROOD XASAN OO XILKII ISKA CASILAY

0

gudoomiyihii-xusbiga-ucid-ee-skadanefiyaanka-cumar-daarood-xasan-oo-xilkii-iska-casilay

Iscasilida gudoomiye Cumar Daarood Xasan ayaa yimid xili gudoomiyaha guud saluug saaran yahay

Oslo Norwary  (AN) Gudoomiyihii xusbiga UCID ee wadamada Skandanifiyaanka, Cumar Daarood Xasan ayaa maanta sheeciyey in uu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee xusbiga. Sida uu qoraal uu soo dhigay barta Facebook ee xusbiga UCID ku sheegay Cumar Daarood waxa uu go’aansaday in aanu sii ahayn xilka. Qoralka uu ssoo saaray ayaa u qornaa sida hoos ku dhigan.

 

” Ku / Gudoomiyaha xisbiga ucid Faysal Cali Xussen

Ku/ Musharaxa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
ku / Dhamaan taageerayaasha xisbiga UCID

Annigoo ah gudoomiyaha xisbiga UCID ee dalalka Nordic ama Iskandavika Cumar Daarood Xassan – waxa an go’aansaday maanta laga bilaabo oo ay bishu tahay 1902015 in aan xilki xisbiga UCID an u hayay e aha masabkaasi an kor kuso sheegay iska casilay taaso i samixi weyday durufo badan o igu gadaama sidi an u gudan laha xilkaasi..

Waxa an halkan mahadnaq iyo bogaadin ba uga diraya dhamaan taageerayaashi xisbiga UCID e sida quruxda badan ila shaqeyn jiray iyo dhamaan inti i taageersaneyd e hawasha ila waday ee habeen iyo maalin heeganka i aheyd…

Runti xisbigu meel fiican bu maraya ilaaheyna waxa an uga baryaya inu guuleysto oo u himiladiisa gaadho..

Waxa an u rajeynaya musharaxa madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa inu ilaahey dadaalkooda iyo hamigooda u rumeeyo wa dhalinyaro dadaaleysa o dalkan iyo dadkan ba uso huray naftooda..ana waxa an ugu mahadnaqaya sidi quruxda badaneyd e anu u wada shaqeyn jirney inti ay xisbiga kuso biireen..

Wa bilahi Tawfiq

Omar Darood Hassan
Ex gudoomiyihi hore e xisbiga ucid e dalalka Iskandvika
Norway”

 

Hase ahaatee qoraalkan ayaa la aasinsan yahay in ay sobobtay khilaaf iyo saluug la xidhiidha qaabka gudoomiye Faysal Cali Waraabe u dhaqamayo xili ay ahayd in uu xoojiyo mucaaridnimada xusbiga iyo iyagoo xubno badan ay dareemayaan is badal ku yimi gudoomiye Faysal intan dambe oo aad ugu dhow yahay xukumada. Inkastoo uu Faysal siyaasada u qaatay ku sheegay mid ta guud ah, taas oo aan la fahmin macnaha uu ka lee yahay ama uga jeedo.