Ganacsatada Soomaalida Ee Qaadka Gaysa Somalia Oo Hakintii Isku Khilaafay iyo Qaadka Somalia La Gayn Jiray Oo Maanta Dib U Bilawday

0

669495deb609fbfc118a92b9112c4b1f_L

Nairobi(AN)Ganacsatada Kenya Qaadka uga keenta Somalia,ayaa dib u bilaabay dhoofinta Qaadka kadib markay saddex maalmood joojiyeen. Ganacsatada ayaan wax heshiis ah ka gaadhin balse ku kala qaybsamay dibna u dalbaday guud ahaan qaadkii Somalia tagi jiray “Ganacsato naga mid ah ayaa fawdo sameeyay oo qaadkii dib u dalbaday. Dhibka Soomaalida haystaana waa dad aan lahayn Bulsho isku xidhan,markaa qof walba halka uu doono ayaa ka ambaqaadayaa, waxaana fawdaysay qolo annagii naga mid ah oo qaadadkii dalbatay” ayay tidhi Sureer Jaamac Maxamuud oo ka mid ah Ganacsatada Qaadka Dhoofisa.

Waxay sheegtay inaanay Ganacsatadu wax wada hadal ah kala yeelan arrinta ay hore uga cabanayeen Dawladda Somalia iyo Beeralayda Kenya ee Qiimaha ku dallacay balse markii Qiimaha qaadku xogaa hoos u dhacay qaadkii Soomaalid iska dalbatay “Qiimihii qaadka wax baa ka dhacay oo meeshii aanu 60 kun iyo 55 Kun aanu ka cabanaynay xalay 25 Kun baa lagu dalbaday, haddii aanu dad isku xidhan oo wax iska maqlaya nahayna intaas in ka yar baanu ku heli lahayn” ayay tidhi Sureer oo BBC-da la hadashay.

Magaalooyinka Somalia ayaan Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay helin wax Qaad ah, balse Saaka ayay dib u bilaamayaan 16 Diyaaradood oo qaadka keeni jiray kuwaasi oo Magaalooyinka Puntland iyo Muqdisho qaadka dhiga. Somalia ayaan meel kale qaad uga furnayn waana suuqa ugu weyn ee Qaadka Kenya la geeyo kadib markii Ingiriiska laga joojiyay Qaadkii Kenya gayn jirtay.