Arabsiyo(AN)Hayaada Faaro ayaa bixisay kabaadii 2aad ee laga hirgaliyo dooxa magaalada Arabsiyo taas oo uu fuliyey ururka MAADO kaas oo kaashanayey labada urur ee wadaniga ah ee (AFC) iyo Wadajir oo ka dhisan Degmada Arabsiyo.
Kaabadii labaad ee in Dhawaydba ka Socday Dooxa wayn ee magaalada Arabsiyo.gaar ahaan Dhinaca biyo qaloocan,kaabadan oo ah tii labaad ee ka hirgasha dooxan ayaa ah kaabad waxbadan katiri doonta sidii uu dooxu ubiyo badin lahaa,taasoo ay aad usoo dhaweeyeen dadwaynaha ku dhaqan magaalada arabsiyo,
iskusoo wada duuboo Magaaladan arabsiyo ayaa ah magaalo Hodan ku ah xaga waxsoosaarka ayay ka jiraan ururo aysamaysteen beeralayda arabsiyood kuwaasoo,kudadaalada sidii ay wax ula qaban lahaayeen Beeralayda ku dhaqan Magaalada Arabsiyood,Ururadan beeraha ayaa wax kala qabtay kaabadahan hada socda waxaana laga xusi karaa Ururka AFC iyo Ururka wada jir









