Masar Oo Dalbanaysa Taageero Caalami Ah Oo Lagula Dagaalamo Daacish-ta Libya

0

104c5b3c21c2f4610773e7980ba8c480_L

Qaahira(AN) Dawladda Masar, ayaa codsatay taageero Caalami ah oo lagu wajaho Ururka Daacish Qaybtiisa Libya ku sugan oo dhawaan beegsatay Dadka Masarida Masiixiyiinta ah.

Baaqan waxa uu imaanayaa kaddib markii diyaaraddaha dagaalka ee Masar ay duqeeyeen saldhigyo ay leeyihiin kooxo ku sugan Liibiya, taas oo aargudasho u ah dilka koox Masaari Qibdhiyiin masiixiyiin ah.

Safiirka Masar ee dalka Britain, Nasser Kamel, waxa uu BBC-da u sheegay in doomo ay la socdaan wax uu ugu yeedhay argagixiso ay gaadhi doonaan qaaradda Yurub, isbuucyo gudahood haddii aan tallaabo la qaadin.

Taliyaaniga waxa uu hoosta ka xariiqay in ay eegayaan haddii la heli karo ciidamo Qaramada midoobeey ay hogaamineyso oo xasiliya Liibiya.

Balse waxa ay meesha ka saareen duullaan degdeg ah oo ay halkaasi ku qaadaan.

Weerar ay NATO hogaamineysay ayaa xilka lagaga tuuray Colonel Gaddafi, sanadkii 2011kii, laakiin tan iyo xilligaasi Liibiya waxa ay badhtamaha u gashay qalalaase siyaasaddeed.