BURCO Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil oo Dhaliilay Xildhibaan Sheegtay Inuu Kamid Yahay Golaha Deegan Berbera Oo Aflagaadeeyay Masuuliyiinta Burco

0

xildhibaan-Axmed-Dhimbiil

Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil Oo Kamida xildhibaanada Golaha Deegaanka Burco ayaa Si weyn Udhaliilay XIldhibaan Sheegtay Inuu Kamid Yahay Xildhibanada Golaha Deegaanka Berbera Oo Aflagaado Ugaystay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Burco Mudane:Maxamed Yuusuf Muraad Iyo Badhasaabka Gobolka,

Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil Oo khadka telefonka kula soo xidhiidhay Isagoo Ku sugan Dalka Jabuuti, Ayaa ku tilmaamay Hadalka Ka soo yeedhay xildhibaankaasi inuu Yahay Mid aan utudhayn dadkii soo dooratay Iyo Deegaankiisiiba, sidoo kalena Meel kadhac weyn ku yahay deriswanaaga ka dhexeeyay Bulshada Burco iyo Bulshadii berbera ee soo dooratay xildhibaankaasi Oo lagu magacaabo Aadan Axmed, isagoo aflagaado qaawan ula badheedhay Duqa Degmada Burco Iyo Badhasaabka Gobolka Togdheer oo uu kusheegay inuu yahay Badhasaabku mid kujira jeebka Ina Muraad,

Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil Oo arintaasi ka hadlayana waxa hadaladiisii kamid ahaa “Bismilahi Raxmaani Raxiim, Anigoo Ah XIldhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil kana mida Golaha Deegaanka Burco Waxaan Kelmad Ka odhan lahaa Xildhibaan Sheegtay Inuu Ka mid yahay Golaha Deegaanka Berbera oo Cay Iyo Aflagaado Qaawan oo aanay geyin Madaxda Gobolku Ugaystay Gudoomiyahaga Golaha Deganka Iyo Badhasaabkaba, taas oo hadalka uu yidhi aanu ahayn hadal uu odhan karo qof masuuli, Waxan Leenahay Anagu Hadaanu nahay Golaha Deegaanka Burco, Waxa uu xildhibaankaasi Sheegtay inuu Wado baaq nabadeed Balse waxa noo cadaatay inuu xildhibaankaasi Waday Baaq Colaadeed, Taasna Ka Aqbalimayno Inuu inta uu gobol kale ka soo duulo Nabadgelyo Daro ka abuuro halkan, Waxaan Leenahay Jooji Baaqa Colaadeed Iyo Isku Dhufasshada Aad ka wado Bulshada Dhexdeeda, Afkaagana Wax Ula Hadh oo Masuulyiinta Aad Caayayso Waa kuwa Gobolkaaga oo kale waana Dad sharaf kaa mudan ee Mahaboona Xagxagashadu”

Sidoo Kalena Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil Waxa Uu baaq Udiray Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somaliland uguna Baaqay in maxkamad la soo taago xildhibaankasi Berbera ka yimi ee Baaqa Colaadeed Ka iclaamiyay Gudaha Burco, Sidoo kalena Cayda iyo aflagaada Qaawan ula Badheedhay Masuuliyiinta Degmada Iyo Gobolka Togdheer , Waxaana Xildhibaan Axmed Cabdi Dhimbiil Sidoo Kale uu Ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Berbera Inay Sida Ugu dhakhsaha Badan Xaal Ka bixiyaan Arintaasi Foosha Xun Ee Xildhibaan Aadan Axmed Kula Kacay Dadweynaha Iyo Masuuliyiinta Burco,

“Anagu hadaanu nahay Golaha Deegaanka Burco Ninkaasi Sheeganaya Xildhibaanka Waxaan ugu baaqaynaa wasaarada Arimaha Guduhu Inay Talaabada Haboon ka qaado Maxkamadna Lasoo Taago Si Xasaanada Looga Qaado, Waayo waxa uu ugu baaqay Bulshada Burco iyo masuuliyiintaba Baaq Colaadeed, Waxaan intaas ku darayaa Oo aan leeyahay walaalahayo Golaha Deegaanka Berbera Arintaas Xaal haka Bixiyaan, oo ha xaal mariyaan Badhasaabka iyo duqa degmada Iyo dhamaanba Bulshada Burco ee uu baaqa Colaadeed kula dhex Jira”