Hargaysa(AN)Warar laga helayo wadanka Nigeria ayaa sheegaya in 10 qof ay ku dhinteen dad badanna ay ku dhaawacmeen ,qarax ka dhacay suuq mashquul badan oo gaadiidka laga raaco kuna yaala Magaalada Damaturu ee Waqooyi bari dalkaasi kutaala.
Qaraxa waxaa gaysatay Haweenay ismiidaamisay oo xidhnayd waxyaabaha qarxa, waxaana ay beegsatay meel dadku ku badan yahay oo ku taala suuqa magaaladaasi.
Saraakiisha Dawladda Nigeria ayaan ka hadlin weerarkani, mana jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkaasi oo waxyeelo badan gaystay.
Booko Xaaraam ayaa inta badan looga bartay in ay weeraro kan la mid ah ka fuliso dalka Nigeira, Taasi oo sababtay in dib loo dhigo doorashadii dalkaasi oo muddo usbuucyo ah loo dib loo dhigay.


<









