Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kula taliyey dadka Yuhuudda ah ee degan dalalka Yurub in ay u soo guuraan Israel.
Netanyahu oo ka hadlaayey weerarada loo geysanayo dadka Yuhuudda ah ee ku dhaqan dalalka Yurub, ayaa yiri weeraradu waa kuwo sii soconaya, haddii aan nahay xukuumadda Israel waxaan kula talineynaa in ay soo guryo noqdaan, Israel waxay dal u tahay Yuhuudi kasta oo caalamka ku nool ayuu yir
Wada hadalka u dhexeeyey Falastiin iyo Israel ayaa qodobada laga dhaqaaqi waayey waxaa ka mid ahaa dib u soo noqoshada qaxootiga Falastiiniyiinta ee Yuhuuddu dhulkooda ka cayriyeen kuwaas oo ku dhaqan dalalka Lubnaan iyo Urdun, Israel ayaa diidey in dadkasi dib ugu soo noqdaan dhulka la haysto ee Falastiin, waxaana hadda Netanyahu u yeeranayaa kuwo aan weligoodba arag dhulka xoogga lagu abuurey ee Israel.








