Muqdisho Oo Laga Hakiyey Qaadkii Kenya Looga Qaadi Jirey & Dareenka Ragga Cuna Iyo Dumarka Iibiya

0

download20

Ganacsatada Qaadka Soomaaliya u soo rari jiray ayaa sheegay inay hakad geliyeen ganacsigooda, iyagoo sababta ku sheegay in lacagaha cashuuraha ah ee Somalia lagaga qaado sare loo qaaday, sidoo kalena uu jaadku qaali ka noqday Kenya.

Maalin walba ayaa waxaa Muqdisho imaan jiray in ka badan 15-diyaaradood, kuwaasoo dhammaantood uu ku raran yahay Qaadka, kaas oo qaarkiis loo rari jiray gobollada ku dhow caasimadda.

Suweys Jaamac oo ka mid ah ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya ayaa u sheegtay BBC-da in cashuuraha looga qaado Somalia sare loo qaaday isla markaana uu Qaadku ka qaaliyoobay Kenya, iyaguna ayna awoodin inay bixiyaan lacagaha ku baxaya ka ganacsiga Qaadka “Hakadkan waxaa sabab u ah lacagihii canshuuraha Somalia oo badan iyo Qaadka oo Kenya ka qaaliyoobay, marka waxaan go’aansannay inaan hakad gelinno ka ganacsiga Qaadka,” ayay tidhi Suweys Jaamac.

Sidoo kale, haweeneydan ganacsatada ah ayaa sheegtay in Muqdisho ay u diri jireen maalin walba 16-diyaaradood oo qaad sida, sidoo kalena ay u diri jireen Puntland hal diyaarad oo u dhiganta lix diyaaradood oo yar-yar.

Qaadka ayaa waxaa iibiya haween fara badan oo noloshoodu ay ku tiirsan tahay, iyadoo shalay uu saameyn xooggan ku yeeshay dadka Qaadka cuna oo aad u soo kordhayay sannadihii dambe.

Dhanka kale, wararka laga helayo dadka ka ganacsada Qaadka ee Muqdisho ku sugan ayaa sheegay in saddex illaa afar maalmood aanu qaadku tagi doonin magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa arrintan aragtidooda ka dhiibtay qaar ka mid ah haweenka ka ganacsada Qaadka oo ay noloshoodu ku tiirsan tahay iyo ragga sida joogtada ah u cuna.

Haweeney ka mid ah kuwa ka ganacsada Jaadka oo Muqdisho ku sugan ayaa sheegtay in jaadka joojintiisa ay sabab u tahay isagoo qaali ku yimaadda iyo isagoo aan fool-xumo awgiis aanay dadku iibsanayn.

“Sababta Jaadka loo joojiyay waa isagoo fool xun iyo isagoo qaalli ku yimaadda dalka… marka waan soo dhaweynayaa in la joojiyo, waayo xal ayaa la gaadhi karaa mar haddii fikirka la qabo dibadda loosoo saaro,“ ayay tidhi mid ka mid ah haweenka Jaadka ka ganacsada.

Sidoo kale, haweeneydan ayaa sheegtay in fool-xumada jaadka iyo qiimaha uu ku yimaaddo ay ka mudaaharaaadeen ayna ka dalbadeen ganacsatada in ayna keenin jaad fool xun oo qaali ah, sidaas awgeedna jaadka la hakiyay muddo saddex maalmood ah; kaddibna ay filayaan in la keeno jaad kii hore ka wanaagsan kana qiimo jaban.

Nin ka mid ah ragga cuna jaadka oo isguna warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday ganac-satada inay jaadka soo daayaan, wuxuuse xusay inuu isagu ogol yahay in xal laga gaadho jaadka foosha xun oo haddana qaaliga ah “Anigu waxaan askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, jaadka dan weyn ayaa noogu jirta, ganacsatada dan ayaa ugu jirta. Innagu waxaan maalin walba u taagannahay inaan dalka difaacno, waxaan ku difaaci lahaynna waa jaadka… marka dowladda Kenya, tan Somalia iyo ganacsatadaha waxaan ka codsanaynaa inay jaadka noo soo daayaan,” ayuu yidhi mid ka mid ah askarta dowladda oo ka mid ah dadka jaadka cuna.