Gabadh Wariye Ah Oo Booqasho Ay Mudqisho Ku Joogtay Dhaawac Culus Wejiga Laga Gaadhsiiyey

0

unnamed12

Gabadhan saxafiyada ah oo magaceeda lagu sheegay Suleekha Maxamed Qabowsade oo ah suxufiyad madaxbanaan siday sheegtayna hore uga tirsanayd Idaacadaha Radio Garoowe iyo SBC Boosaaso ee gobolka Bari ee maamul goboleedka dalkaasi Soomaaliya ku yaalla ee Puntland ayaa maalmo ka hor waxaa lagu dhaawacay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Suleekha ayaa sheegtay in goor habeena ay soo weerareen labo qof oo baaskoolado ku hubaysnaa kuwaasi oo markii ay u soo dhawaadeen uu mid kamid ah rasaas ku furay ,iyadoona dhaawici ka soo gaadhay xabadaasi ku dhacday uu waxyeelo u gaysatay qaybo kamida afkeeda oo iminka dhinac ka mid ah uu maqanyahay.

Sidoo kale Suleekha Maxamed Qabowsade oo mudo badan ku jirta mid kamid ah Cisbitaalada magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya ayaa la sheegay in aaney jirin cid wax kaalmo ah soo gaadhsiisay iyada oo weli dhaawaceeda aaney ka hadlin masuuliyiinta magaaladaasi iyo sidoo kale ururada u dooda xuquuqul Insaanka ee halkaasi xaruumaha ku leh.