Gabadh Jacayl Dartii Saygeeda Ka Ogolaatay In Uu Faash Ku Jaro Qumbe Cunaheeda Saaran

0

unnamed-19

Lamaanahan oo ku nool deegaanka Chirala Mandal ee dalka Hindiya ayaa sameeyey wax aad layaab u ah oo weliba dadka qaar ay ku tilmaami lahaayeen waali cas, maadaama gabadhi ay saygeeda u ogolaatay in uu baangad la dhaco qumbe cuneheeda saaran oo hadii uu la waayi lahaa amaba uu uu dhaafin lahaa qumbaha ay suurtagal noqon lahayd in uu iyada dilo oo sidaasi ay ku galbato.

Laakiin gabadhani iyada oo si ka duwan dumar badan oo ku nool dunida aaminsanayd in seygeedu jecelyahay nolosheeda, waxa ay ka qaaday imtixaan hadii uu ku dhici lahaa iyada khatar badan soo gaadhsiin lahayd kaas oo uu ugu danbeyntii keenay in uu ninkani ku guuleysto.

Ninkan oo ay u soo daawasho tageen dad farabadan ayaa si xoog ah ku jabiyey qumbaha saarnaa dhuunta xaaskiisa isaga oo isticmaalaya faash, waxaana taasi ay qumbahan ka dhigtay mid ka mid ah qumbayaasha dunida uugu qaalisan maadaama uu bedbaadiyey nolosha qof biniaadam ah.

Telefishinno farabadan oo caalami ah ayaa bilaabay in ay sii daayaan barnaamijiyo ku aadan lamaanahan oo ay ku tilmaameen in ay yihiin qaar ka mid ah kuwa ugu xirfadda wanaagsan dunida iyaga oo soo bandhigay mid ka mid ah wacdarooyinkii dunida ugu yaabka badnaa sanadihii la soo dhaafay.