Dab Khasaare Hanti yadeed geystay ayaa goordhow waxa uu ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla degmada Afgooye.

0
Afgooye: Kaalin Shidaal oo Gubatay

Afgooye(AN)Dab Khasaare Hanti yadeed geystay ayaa goordhow waxa uu ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla degmada Afgooye.
Goobta dabka uu ka kacay ayaa waxaa ka dhawaa gaadiid iyo sidoo kale goobo kale oo ganacsi ah, waxaana halkaasi ku basbeelay goobtii shidaalka iyo gaadiidkii meesha yaallay.

Dadka ku dhaqan degmada Afgooye iyo sidoo kale maamulka degmadaasi ayaa isku dayay saacado badan in dabkaasi ay damiyaan, iyada oo laga baqayay meelo kale in uu ku faafo.

Ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la damiyo dabkaasi, waxaana sidoo kale ciidamada amaanka ay xanibeen isku socodkii gaadiidka iyo ganacsiga meelaha ka dhaw halka dabka uu ka kacay.

Maamulka degmada Afgooye iyo ganacsatadii lahayd shidaalkaasi weli wax war ah kama aanay soo bixin