Muqdisho(AN)Xildhibaan hore oo ka tirsanaa golaha baarlamaanka dalka Kenya, Philip Godane ayaa lagu dilay gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Syokimau ee gobolka Machakos ee dalka Kenya.
Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in koox hubeysan oo aan la garanayn ay ugu dhaceen gurigiisa 2:00 habeenimo ee xalay waqti ay isaga iyo qoyskiisuba jiifeen dabadeedna ay ku fureen xildhibaankan hore rasaas, taasoo keentay inuu iska goobta ku dhinto.
![]() |
Saraakiisha booliiska Kenya ayaa intaas ku daray in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan qoyska, balse markii ay iska-caabin kala kulmeen ay toogteen oo dileen Godane.
Philip Godane ayaa wuxuu ahaa sayga ay u dhacdo









