Dhallinyarada Iyo Waxgaradka Xaafadda Sheekh Nuur Oo Beeniyey Eedaymo Iyo Barabogaandho Uu Baahiyey Nin Sheegtay Guddoomiyaha Cusub Ee Xaafadaas.
Dadwaynaha ku dhaqan xaafada Sheekh Nuur oo ka tirsan degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaanba beeniyey inay wax shaqo ah ku leeyihin ama ay taageersan yihiin nin ka mid ah dadwaynaha xaafadda ku noolaa sannadihii ugu dambeeyay kaasoo todobaadkii ina dhaafay gudihiisa sheegtay inuu yahay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay xaafadda Sheekh Nuur waxaanay sidoo kale xaal siiyeen Wasiir kuxigeenka wasaaradda arimaha Gudaha Cali Maxamed Cilmiiyo waaxda nabad gelyada ee degmada Gacan Libaax kuwaasoo uu sheegay inay ku hawlan yihiin kala daadinta isku xidhnaanta xaafadda iyo inay iyagu ka hor taagan yihiin inuu qabto maamulka xaafadda.

Haddaba guddida nabadgelyada , guddida dhalinyarada, xidhiidhka ciyaaraha iyo Hawenka xaafadaasi ayaa war o qoraal ah oo arrinta ku saabsan soo gaadhsiyey Shabakadda wararka ee Batalaalenews.net warkaas ayaana u dhignaa Sidan:
“Anaga oo ah odayaasha, dhalinyarada haweenka iyo waxgaradka xaafada sheikh nuur waxanu halkan ku beeninaynaa war qoraal ah oo ku soo baxay mareegta qaran oo uu qoray nin sheegtay gudoomiyaha cusub ee xaafada sheikh nuur kaasi oo aan la garanayn cid caleemo saartay iyo cid dooratay iyo meel lagu doortay warkaasi oo ku sheegay in xaafada sheikh nuur aan wax maamul ahi ka jirin gabi ahaan isla markaana uu ka hortaagan yahay wasiir ku xigeen ka wasaarada arimaha gudaha cali maxamed cilmi iyo gudoomiyaha gudida nabad galyada ee dagmada gacan libaax cqaadir cumar xaashi.
Ugu horayn waxaanu canbaaraynaynaa hadalkaa been abuurka ah ee uu doonayo inuu ku shaambadeeyo dhamaan shacabka xaafadda inay ku weheliyaan fikirkiisa qaloocan ee xaalad abuurka ah oo uu rabo in uu ku kala qayb qaybiyo dadwaynaha Xaafada oo aanu aaminsanahay in uu cid gaar ah uu ugu adeegayo gaar ahaan xisbiyada mucaaridka ah marka labaad waxaanu halkan ka raali galinaynaa musiiliyiinta qaran oo aanu leenahay maaha waxaasi wax idin qabta ee waxaad naga mudan tihiin mahad naq waananu idiin haynaa abaalkaas iyo inaad xaafada horumar ku hogaamiseen.
Ugu danabayntii waxaanu ka codsanaynaa laamaha amniga xaafada, kuwa dagmada iyo wasaaradda arrimaha gudahaba in talaabo laga qaada ninkaasi shoobaraha ka wada xaafada dhexdeeda isla markaana la waydiiyo cadaymihii warkaasi uu sheegay”.

Xubanaha war-saxaafaeedka ku saxeexan:
Gudida nabad galyada xaafada sheikh nuur
1. Saleeban samatar ibraahin (Gudoomiyaha gudida nabad galyada ahna Guddoomiyaha Xaafadda)
2. Maxamuud yaasin ducaale (Gudoomaya ku xigeenka gudida )
3. Cabd axmed c/llahi (Xoghayaha gudida)
4. Cabdi ismaciil xaji cali (xubin)
5. Roodo siciid axmed (xubin)
6. Cibaado diiriye cartan (xubin)
7. Faadumo gaydh xassan (xubin)
Gudida dhalinyarada xaafada
1. Xassan cali maygaag (Gudoomiyaha Dhalinyarada)
2. Maxamed muuse maxamuud (Gudoomiye ku xigeenka Dhalinyarada)
3. Siciid cabdi cismaan (Xoghayaha Dhallinyarada)
4. Maxamed saleeban wayrax (Gudoomiyaha Dhalinyarada Ee Ciyaaraha).
Wa Billaahi Tawfiiq